Monday, October 5, 2009

Kala duwanaanshaha Dhaqamada- Cultral Diversity

Dhaqan waa dabeecadaha ay caadaysato bulsho isla markaana ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee la faca ah sida diinta, luqadda, hab-nololeedka, nooca hu’ga, nooca cuntada hababka maddadaalada iyo xidhiidhka guud ee ka dhexeeya xubnaha bulshadaas. Inta badan dhaqanku markuu horumar sameeyo isla markaana noqdo mid isku haya bulsho weynta, ayaa waxa ka dhasha ilbaxnimo. Ilbaxnimadu waxay ka timaadaa bulshooyin isku dhaw oo leh dhaqan guud iyo xeerar u gaar ah oo ay ku wada noolaadaan.

Dhaqanku waa waxyaabaha ay bulsho ku faanto isla markaana, kor u qaada ama hoos u dhiga heer-nololeedka bulshadaas. Dhamaan caadooyinka ka hirgala bulsho dhexdeed waa dhaqan, waxaanu u kala baxayaa mid ka qayb qaadanaya horumarka bulshada, iyo mid gol-daloolo ku ah nidaamkooda, isla markaana ka xannibaya inay ku talaabsadaan wax horumar ah. Dhaqanka kala hagaya bulshada isla markaana xubin kasta siinaya xaqa ay ku leedahay, una xaddidaya waajibaadka saaran, waa dhaqan fiican keenayana horumar, lakin dhaqanka duudsiya xuquuqda in ka mid ah xubnaha bulshadiisa, isla markaana keena isku dul-noolaansho, waa dhaqan liita dibna u dhigaya bulshada isticmaasha.

Dhaqanada bulshooyinka dunida ku nooli aad bay u kala duwan yihiin, isla markaana waxa jira farac ka mid ah caadooyinka bulsho inay noqoto bulsho kale ceebteed. Kala duwanaanshahani waxa uu keenaa in uu yaraado is-fahankoodu isla markaana mararka qaar yimaado isku-dhac dhexdooda ah. Tusaale ahaan.: dadyowga reer galbedku Eyga aad bay u tix-galiyaan, isla markaana qoysaska qaar ayaaa u isticmaala sidii ilmo yar oo ay dhaleen, iyadoo waxyaabaha lala yaabo ay ka mid tahay Ey dhaxlaya mulkiilihiisa, iyo hotelada u gaarka ah Eyda, halka dadyowga Eeshiyada bari ay cunaan hilibka Eyga, kana dhigtaan mid ka ah nimcoolayda ay ka helaan hilibka.

Waxa dhacday in qoys u dhashay wadanka Ingiriiska oo ka koobnaa nin iyo xaaskii iyo Ey ay wateen, ay xilliga Xagaaga fasax ku tageen dalka Shiinaha, maalin maalmaha ka mid ah iyagoo jooga hotel ay wax ka cunayeen oo ku yaala mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, ayaa waxa soo dul-istaagay nin mudalab (waiter) ah, intii uu ka qaadayay dalabkooda ayuu Eygii yaraa ee ay wateen isku dayay inuu la ciyaaro ninka Shiinaha ah, ninkii wuxuu u sheegay qoyska inuu Eygoogu qurux badan yahay, inta ay u mahad naqeen ayay ku yidhaahdeen: “Make it a good dish”. Iyagoo uga dan lahaa in Eygana loo sameeyo saxan u gaar ah oo fiican. Ninkii mudalabka ahaa intuu qaaday Eygii ayuu la tagay isagoo u fahmay in loo jeedo ka soo samee saxan fiican, wakhti gaaban kadibna waxa qoyskii loo keenay cuntadoodii, iyagoo aad ula dhacay. Markii ay dhamaysteen cuntadii ee ay ka sii baxayeen hotelkii ayay gabadhii weydiisay xisaabiyihii hotelka in loo keeno aygeedii. Gabadhii waxay la kulantay waxaanay filayn, waxa la weydiiyay su’aal aan markaa meesha oolin, oo ahayd, “Wasn’t it a good dish?”, taasoo macneheedu yahay, miyaanu noqon saxan wanaagsan? gabadhii markii ay maqashay su’aasha ayay garatay in waxa ay cuneen uu ahaa Eygoodii, waanay suuxday kuna dhacday isla goobtii.

No comments:

Post a Comment