Thursday, October 25, 2012

Xuquuqda Dumarka Iyo Doorkooda. Qaybtii 8aad

Guursashada dumar hal ka badan. (polygamy).
Guursashada laba , saddex ama afar xaas waa mid kamida ah arrimaha sida qaldan ay uga faa’iidaystaan cadowga Islaamku, iyagoo ku so dhuumanaya inay diffacayaan xuquuqda haweenka. Waxa jira dadyow badan oo reer galbeedka ka mid ah oo ku dhawaaqa in Islaamka tilmaamihiisa iyo tiirarkiisa ay ka mid tahay in ninku guursado in ka badan hal xaas. Arrinkani waxay ka tahay aqoon-darro aanay baadhin diinta Islaamku waxay fartay, xataa hadii ay garanayaan waxay ka dhigtaan arrin lagu marin habaabinayo diinteena, loona adeegsanayo in dadka diinta lagaga fogeeyo.
Diinta Islaamku waxay fartay in ninku uu guursado xaas uu ka dhigto hoyga deganaantiisa, xarunta sirtiisa, wakiilka aqalkiisa iyo hooyada ubadkiisa. Sidoo kale Islaamku wuxuu ninka u banneeyay in uu guursado xaas kale, iyadoo la tix-gelinayo baahida ninka iyo dumarka muslimka labadaba. Si uu ninku u guursado xaasas badan waxa shardi ah, in aanay ka badan afar xaas, taas oo aanu Islaamku ogolayn xaasas afar ka badan sida ay sameeyaan in badan oo ka mid ah dadka diin-laawayaasha ah, shardiga labaad waa inuu u cadaalad-sameeyo xaasaskiisa, inkastoo laga yaabo inuu kala jeclaado xaasakiisa, hadana waa inuu ka simo dhinaca wax-bixinta, quudinta iyo sidoo kale gogosha,. Waxa iyaduna loo baahan yahay inuu ninku awood u leeyahay daboolida baahiyaha qoysaska uu abuurayo dhinac tamareed iyo dhinac maaliyadeedba. Guurka noocan ah waxa ka danbeeya xikmado waaweyn oo ay dani ugu jirto ragga iyo dumarka labadaba. Xikmadahan waxa ka mid ah:
1. Islaamku wuxuu adkeeyay xaaraantinimada Sinada, waxyeelada iyo xumaha weyn ee ku jira daraadeed. Waxyeelada sinada waxa ka mid ah, isku dhafanka iyo isku-qaldanka nasabyada- aanu aabbuhu kala garanayn ubadkiisa iyo kuwa kale, dilida iyo baabi’ida xishoodka, iyo dhaawicida sharafta iyo karaamada hablaha. Waxa intaa dheer waxa ka dhalanaya xanuuno fara badan o aan lahayn dawo, oo ay kamid yihiin xanuuno maskaxeed iyo xanuunka laayaanka ah ee loo yaqaan AIDS ka. Sidoo kale sinadu waxay keenaysaa dulmi iyo godob laga galay ilmaha ku dhalanaya, isagoo noqonaya mid go’doonsan oo aan lahayn nasab, waxaanu noolanayaa isagoo dullaysan. Islaamku markuu xarrimay sinada wuxuu furay albaab kale oo sharciya, qofkuna uu ka helo raaxo iy deggenaan, albaabkani wuxuu yahay guurka. Waxa la jideeyay guurka iyo sidoo kale in ninku guursan karo in ka badan hal dumar ah. Waxa aan shaki ku jirin in diidida guursashada dumarka badan ay tahay dulmi laga galay ragga iyo dumarka labada, maadaama tirada dumarku ay mar kasta iyo meel kasta ka badan yihiin ta ragga, gaar ahaan xilliyada dagaalada ee ay raggu ku hoobtaan. Nin kastaa marka uu guursado gabadh, waxa soo hadhaya tiro badan oo dumar ah oo ku dhacaya bilaa guur, wehelna u noqonaya cidhiidhi iyo diiqad nafsi ah. Waxa laga yaabaa in dumarkan in badan ay dantu ku kalifto inay ka tagto nasabkeeda, faafiso sinada, isla markaana hallayso ama marin-habaabiso tarankii.
 2. Diinta Islaamka dheexdeeda, guurku maaha raaxo jidh ahaaneed oo kaliya, waxa sidoo kale ku jirta deggenaanta nafta iyo helitaanka deeqda ubadka ee Alle ku manaysto labada is qaba. Marka ay ubad dhalaan labada is qabaa waxa waalidka saaran hawl aad u badan, gabadhuna inta badan waxay ku mashquulaysaa hooyanimada iyo xanaanaynta ubadkeeda. Bal hadaba midkee ayaa u fiican gabadha in ay xoogga-saarto xanaanaynta ubadkeeda kana dhigato nuurka indheheeda, iyado hadhsanaysa ilaalada iyo awoodda saygeeda, iyo in ay ahaato mid ku dhacday keli-noolaansho, isla markaana weyday wehelkii, hadafkii iyo muhiimadii nolosheeda? Inkastoo ay dhacdo inay qofku ka xumaato in lala wadaago qalbiga qofka ay jeceshahay, waa wax iska caadi ah inay maseyrto, haddana waxa fiican inay ka fikirto walaasheeda aan helin fursadda ay haysato.
3. Islaamku wuxuu tix-gelinayaa dhamaan aadamaha si cadaaladi ku jirto, caddaaladduna waxay ku jirtaa in si isleeg loo eego dhamaan dumarka, halka ay gali lahaayeen tartan inta la guursado maahee inta kale ay ku dhici lahayd cidlo. Maxay galabsadeen gabdhaha gashaantimaha ah ee aan lahayn say? Maxaa il naxariis leh loogu eegi waayay gabadha uu nikeedii dhintay iyadoo ku jirta xilligii ay ugu quruxda iyo qaayaha badnayd? Miyaanay ahayn in iyana laga fikiro tirada dumar ah ee fadhiya guur la’aan, say la’aan iyo ubad la’aan? Midkee ayaa u fiican gabadha inay ahaato xaas, haysato ubad iyadoo ku sugan ilaalada saygeeda dhawraya, awooodayana gudashada xaqa ay leedahay iyada iyo walaasheeda kale ee lala qabo, iyo in ay ku sugnaato guur la’aan iyo guri la’aan? Midkee ayaa u fiican bulshada: in ragga qaarkii miyaraystaan, oo bulshadu ay ka nabad-gasho dhibaatada guur la’aanta iyo in nin kastaa guurado hal xaas, isla markaana bulshadu la kulanto dhibaatada ka timaada guur la’aanta iyo hablaha la hilmaamay? Midkee ayaase u roon ninka: inuu guursado laba, saddex ama afar xaas oo dhawrsoon una xanaanaynaya ubadkisa iyo inuu guursado hal xaas isla markaana samaysto toban saaxiibadood!?
 4. Guursashada dumar badani maaha waajib diini ah. In badan oo ragga muslimiinta ah ayaa ku ekaaday hal xaas. Sidoo kale hadii ninku isku arko inaanu u cadaalad samayn karin dumarkiisa waxa saaran in uu ku ekaado hal xaas. Mararka aanu ninku awoodi karin inuu tunka ku qaato dhamaan baahiyaha qoysaska uu dhisayo, waxa fiican inuu hadba ku kaaftoomo inta uu xilkooda qaadi karo. Inkastoo beryahaa danbe bulshadeena dhexdeeda ragga labada dumar ah guursadaa ay u badan yihiin niman danyar ah oo marka horeba aan baahiyaha qoyskii hore wada dabooli karin, hadana ku daraya xaas labaad iyo tu saddexaad, halka raggi qoyanaa ay soo dhaafi waayeen hal qoys oo ay si wanaagsan xilkooda dusha ugu riteen. Tani waxay dhalisay in hooyooyin badani noqdaan kuwa iyagu soo xereeya dhaqaalaha qoyska marka ay arkeen aabbaha aan wax xil ah iska saarayn korinta ubadka iyo xannaanaynta qoyska, isagoo og dayacnaanta ay ku sugan yihiin ubadkiisa iyo xaaskiisu haddana unkaya qoysas cusub.
 5. Dabeecada dumarku way ka duwan tahay ta ragga, marka laga eego dhinaca u diyaar- ahaanshaha galmada. Gabadha waxyaabo dhawr aha ayaa hor taagan, sida xilliga caadada oo bil kasta qaata todobaad ilaa toban cisho. Sidoo kale xilliga ay umusha tahay ugu yaraan afartan maalmood, waxa kale oo jira xilliga ay ilmaha caloosha ku sido ayaa iyana ay dhib ku tahay dumarka inay u tagto saygeeda. Ninku waqti kasta wuu u tagi karaa xaaskiisada. Hadaba ragga qaar ayaan samir u lahayn inay sugaan inta laga gudbayo xilliyadan aan soo sheegnay, isla markaana waxa laga yaabaa inay ku kacaan waxyaabo xaaraan ah. Tan bedelkeeda, inakstoo ay dhif iyo nadir yihiin ragga noocani, waxa ninka u banaan in uu guursado xaas kale, haddi iba ay duruufuh u saamaxaan.
 6. Waxa dhici karta inay gabadhu waxba dhali weydo, intii uu furi lahaa waxa loo baneeyay in uu hasyto xaaskiisa isla markaana guursado gabadh kale oo ubad u dhasha. Waxa laga yaabaa in ay gabadhu xanuunsato xanuun abid ah, isla markaana ay awoodi weydo inay fuliso hawsha reerka. Intii la furi lahaa gabadha waxa jira jid kale oo ninka u saamaxaya in uu daryeelo xaaskiisan isla markaana guursado xaas kale oo fulin karaysa hawlihiisa.
7. Awoodda ninka ee dhalmadu way ka weyn tahay ta dumarka. Raggu wuxuu awood u leeyahay in uu wax dhalo inta uu nool yahay oo dhan, halka gabadha awooddeeda dhalmadu ay ku eg tahay inta ay ku sugan tahay afartameeyaha. Sidaa darteed maxaa looga horjoogsanayaa ninka in uu sii wado taranka mar hadii uu weli awood u leeyahay, iyadoo jidka keliya ee u furani uu yahay in uu guursado gabadh kale oo awood u leh dhalmada ubad kale, isagoo la noolaanaya xaaskiisa cusub iyo xaaskiisa hore labadaba.
8. Guursashada xaaska labaad waxay dumarka qaar u tahay ka fududayn hawlihii iyo waajibkii saarnaa, gaar ahaan dumarka waaweyn, iyagoo qaarkood kula taliya ninka inuu iska guursado mid labaad oo ka firfircoon iyada, una dhamaystirta xaqiisa, iyadana ka dulqaada in ka mid ah xilka saarnaa. Inkastoo ay yar yihiin dumar go’aankan qaataa hadana marka uu dhismo guriga cusubi way ka murugoodaan, gadaalna kala soo baxaan maseyrkii lagu yaqaanay.
 9. Guursashada labada dumar ah waxa banneyay Alle- subxaanahu watacaalaa- isaga ayaana og halka ay ku jirto danta iyo wanaagga umaddu, kuna caddeeyay diinta Islaanka xikmada ka danbeysa guursashada dumarka iyo caqli yarida kuwa ka hor imanaya. Isaga ayaana uga naxariis badan dumarka kuwa luminaya ee ugu yaadhaya in la duudsiyay xaqoodii.

No comments:

Post a Comment