Tuesday, December 1, 2009

Xuquuqda haweenka iyo doorkooda. Qaybtii 5aad.


Ilaalinta Islaamka ee haweenka.
Diinteena Islaamku waxay tix-gelisaa dhedignama gabadha, waxaanay u aqoonsan tahay inay tahay waax dhamaystiraysa ninka, sida uu ninkuba u dhamasytirayo gabadha. Ilaahay(SW) wuu habeeyay khalqigiisa, waxaanu u jideeyay inay ahaadaan lamaaneyaal (pairs), si ay isku dhamastiraan, waxaana lamaaneyaashan lagu arkaa dhirta iyo xayawaanka oo u nool qaab lab iyo dhedig ah, sidoo kale ayaa in badan oo ma-noolaha ahi ay ugu jiraan hab laba danab-charges- mid togan(positive charge) iyo mid taban(negative charge), si looga faa’iidaysto iyagoo wada jira.
Sidoo kale ayaa gabadha loo sameeyay qaab iyo astaamo ay ku soo jiidan karto lamaaneheeda ninka ah, iyadoo labadaba uu Rabbi ku abuuray hammo iyo hamuun uu midiba u qabo la noolaanshaha iyo helitaanka ka kale, si ay u tarmaan, una waaro jiritaanka aadamuhu.
Diinta Islaamkuna waxay aad uga soo hor-jeedaa wax kasta oo ka hor-imanaya jidkan ama keenaya isku darsan iyo is dhex-gal ragga iyo dumarka ah, waayo gabadhu maaha nin, lakin waa qayb dhamaystiraysa ninka iyana u baahan in la dhamystiro. Sidaa daraadeed ayaa loo baneeyay guurka oo ah aasaaska qoyska, iyadoo dhamaan diimihii soo degay ay ka midaysnaayeen mamnuucida sinada iyo falalka kale ee foosha xun, iyadoo la ilaalinayo ragga iyo dumarkaba, lagana dheeraanayo fitnada iyo wax kasta oo bulshada dhabar-jebinaya.

Halka uu Islaamku ka taagan yahay dumarka waxaynu ku soo koobi karnaa dhowr arrimood:
• Islaamku wuxuu ilaalinayaa haweenka si ay u noqdaan ilo naxariiseed, debedsanaan iyo quruxeed. Sidaa darteed ayaa dumarka waxa loo baneeyay waxyaabo laga xaaran yeelay ragga si ay ugu kordhiyaan quruxdooda, sida isku qurxinta iyo qaadashada dahadbka. Sidoo kale ayaa iyadana laga mamnuucay inay isku ekaysiiso ragga dhinaca dhar-qaadashada, codka, socodka iyo dhaqankaba, iyadoo axaadiis soo aroortay lagu nacdalay gabadha isku ekaysiisaysa ragga iyo ninka isku ekaysiiya gabadha, waxa laga digayayna ay ahayd isku milanka hawlahooda gaarka ah iyo dhibta ka imanaysa.
• Islaamku wuxuu ilaaliyay gabadha, waxaanuku dhamaystiray ragga, iyadoo ragga lagu waajibiyay inay quudiyaan isla markaana u dhamaystiraan baahiyaheeda aasaasiga ah, sida cuntada, hu’ga iyo hoygeedaba. Waxa xilkeeda la saaray aabeheed, saygeeda, walaalkeed, inankeeda iyo hadba ragga kii ugu dhaw, waxaana laga ilaaliyay inay baahi darteed u dhex-gasho is xagxagashada suuqa, sida ay yeesho gabadha reer galbeed ee aan haysan wiil, waalid iyo walaal daryeela toona, ee qabanaysa hawl kasta oo loo diro, qiima kasta ha lahaatee.
• Islaamku wuxuu ilaalinayaa dabeecada iyo xishoodka gabadha, iyadoo la tix-gelinayo dhowsoonaanteeda lagana horjoogo halisaha ka iman kara xumaanta gacmaha u heelan helitaankeeda.

Si loo fuliyo arrimahan, isla markaana loo ilaaliyo loona gaadho hadafka ah helitaanka hooyo dhowrsoon oo soo saarta bulsho waxtar leh, diinteenu waxay ku waajibisay dumarka waxyaalaha soo soda.
 Inay qabsato indheheeada, ilaalisana dhowrsoonaanteeda iyo nadaafadeeda, sida ku xusan suuratul Nuur-31.
 Inay xishooto oo qarsato quruxdeeda iyo jidhkeeda, wixii aan ahyn marka ay la joogto ninkeeda iyo inta muxrimka u ah.
 Inay ka dheeraato la keli-noqoshada ragga ajnebiga ka ah, iyo dhex-galkooda, isagoo Nebigu(nnkha) ku lahaa xadiis laga soo weriyay saxaabiga Cabdilahi Ibn Cabaas “Yaanu la keliyoon nin gabadj, yaanay safrina gabadhu hadii aanu muxrim la socon”.
 Inay wanaajiso weedheheeda, hadalkeeda iyo socodkeedaba. Maaha hadalkeedu ceeb iyo cawro toona, lakin waa inay ku hadashaa wax fiican.
 Inay ka fogaato is-qurxinta jaahiliga ah iyo marsashada cadarka ay ula baxayso dibedaha ka durugsan gurigeeda si aanay dareen ugu abuurin ragga ajnebiga ah.

Xukunadan dhamaan waxa Rabbi si cad ugu sheegay Suuratul Nuur-aayadda 31aad-waxaanay xukunadani faa’iido weyn u leeyihiin bulshada guud ahaan gaar ahaan haweenka, waxaan ka mid aha faa’iidooyinkan:
• Ka ilaalinta haweenka ee miciyaha ugaadhsatada u heelan waxyeelayntooda.
• Ilaalinta xishoodka iyo dhowrsoonaanta haweenka iyadoo looga digayo ka leexashada jidka toosan.
• Ilaalinta karaamadeeda iyo nasabkeeda lagana hor-joogo waxkasta oo hoos udhigaya sumcadeeda.
• Ilaalinta gabadhu waa ilaalinta ninka, iyadoo laga hor-joogsaday falalkii xumaa ee uu kukici lahaa oo dhan.
• Samayska qoysas wanaagsan oo laga dheereeyay sababaha kala tagga iyo burburka qoyska.
• Dhawrida ragga iyo dumarka, iyo samayska qoysas wanaagsani waxay hordhac u yihiin hanaqaadka bulsho horumarsan.

No comments:

Post a Comment