Wednesday, January 6, 2010
Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda. Qaybtii 7aad.
Islaamka ka hor, aad ayay u kala duwanaayeen fikradaha ku saabsan xuquuqda dumarku, waxaase ay ka sinnaayeen, in dhamaan ay ku tunteen xaqa inanta. Waxana ay kolba ku xidhnayd maamulka casrigaa jiray, meelaha uu ka talinayay iyo dhaqanada kala duwanaa ee ay kala haysteen dadyowgii waayadaa aduunka ku noolaa.
Xeerarkii Hindidii hore oo la odhan jiray (xeerarkii Maanuu), waxay dhigayeen in gabadhu ayna xaq u lahayn inay ku kacdo fal rabitaankeeda ah, xataa hawlaha guriga, waxanay mar kasta ku hoos noolayd rag, hadii uu saygeedu ka dhintona wey raacin jireen oo iyana la gubi jireen iyadoo nool.
Boqor la odhan jiray Xamuraabi oo ka talin jiray dhulkii waagaa la odhan jiray Mosepotamia, dhulka haatan ay degan tahay dawlada Ciraaq, ayaa waxa uu lahaa hab sharciyeed oo ku magac dheeraa Xeerarkii Xamuraabi (The Code of Hamurabi). Marka aynu soo qaadano xeerarka uga yaalay haweenka, waxay ahaayeen kuwa aad uga horumarsanaa marka la barbar dhigo kuwii ka horreeyay. Gabadhu waxay lahayd meher laga bixinayo, xataa marka la furo waxa lagu xukumi jiray ninka gabadha furay inuu siiyo lacag ganaax ah. Dhaliilaha a lahaayeen xeerarkani waxa ka mida haa iyadoo ninka lo ogolaa inuu gabdhiisa u bixin karayo rahan ahaan, marka deyn lagu yeesho inta uu deynta iska bixinayo. Sidoo kale gabadhu may lahayn awoodda ay wax ku iibin karto, iibsan karto, waxna ku kirayn karto.
Dhinaca Giriig ga, dadku waxay u qaybsanaayeen dabaqado, dabaqada koowaad waxay ka koobnayd dadka talada haya, dabaqada labaadna waxay u gaar ahayd ganacsatada, halka dabaqada sadexaad ay ka aheyd dabaqada addoomaha. Gabdhuhu waxay ahaayeen meel u dhaxaysa ganacsatada iyo addoomaha, kolba ka gursada ayuun baana lagu tirin jiray xoolahiisa.
Sidoo kale ayaa Boqortooyadii Rooma na ay dumarku ugu hoos noolaayeen iyagoo aan haysan wax xaq ah, waxaana kolba lagu tirin jiray maalka iyo xoolaha qofka gacanta ku haya. Inkastoo waayadii danbe ee boqortooyadan ay gabadhu awood u lahayd inay ka hoos baxdo lahaanshaha ninka iyadoo lagu xidhayay inay horta dhasho saddex wiil iyo wax ka badan.
Marka aynu soo qaadno Yuhuudda, iyagu waxay gabadha ula dhaqmi jireen si aad u naxariis daran, kana xun sidii Hindida, Roomaanka iyo Giriiga ba. Marka loo baahdo guurna gabadha waa la soo iibsan jiray. Sidoo kale ayaa dayowgsa Kiristaanka, iyagana dhaqankoodu u dulmiyay dumarka waayadii ugu horaysay, iyo xilliyadii ay bilaabantay Kaniisada Kiristaankuba.
Carabta ayaa iyaguna Islaamka ka hor waxay lahaayeen dhaqan xun oo xaqirayay gabadha waxaanay aasi jireen gabdhaha oo nool, iyagoo ka baqaya ceeb iyo faqrinimo, sida uu Quraankuba cadeeyay.
Hadaba diinta Islaamku markay soo baxday waxay dumarka siisay Xuquuq badan oo aanay marna gabadhu ka heli karin nidaam kale oo aan ahayn ka Islaamka. Waxa uu cadeeyay Quraanku in dumarka qaarkood ay ka saamaeyn badan yihiin ragga, kana gudan og yihiin waajibka saaran, sida qisada Maryam Bint Cimraan, oo dhashay Nebi Ciise-cs- iyada oo uu Rabbi ka dhigay daahir kana doorbiday dumarka kale.
Inantu waxay xaq u leedahay in aabbeheed si fiican u barbaariyo, wanaajiyana la dhaqankeeda. Islaamkuna wuxuu ugu abaal-guday Janno aabbo kasta oo wanaajiya xidhiidhka inantiisa, u barbaariya si fiican, una sabra meel-marinteeda iyo ku xidhideeda inay guddo xaqa uu Ilaahay ku leeyahay.
Nebiga-csw- ayaa laga weriyay in uu yidhi, ninka si fiican u barbaariya laba hablood ilaa ay qaan-gaadhayaan Qiyaamaha waxanu isku nahay sidaa –isagoo tilmaamaya labadiisa farood oo isku duuban.
Xadiis kale ayaa Caa’isha-rc- waxay werinaysaa in Nebigu-csw- yidhi: “ninka lagu jirrabo hablo, ee wanaajiya, waxay xijaab uga noqdaan Naarta”.
Xadiisyadan ayaa waxaynu ka akhrisan karaynaa in habluhu ay yihiin nimco lagu hamiyo inay kuu dhashaan, maadaama aynu hayno abaal-gud loogu bushaareeyay nin kasta oo ka soo baxa xilkooda barbaarineed. Islaamkuna waxa uu ina tusayaa inanta iyo halka ay kaga taalo aabbeheed, waxaana lagu dhiiri gelinayaa aabbeyaasha inay xoogga saaraan ku tabcida hablaha iyo daryeelkooda. Nebigu-csw- waxa uu ka hadlay kaalinta ay ugu jirtay inantiisa Faadumo-rc- waxaanu yidhi: “Faadumo waa qayb iga mid ah ninka ka cadheysiiyaa, anigana wuu iga cadheysiiyay”.
Sida aynu kor ku sos sheegnay xaqa ugu horeeya ee ay inantu leedahay waa in si fiican loo barbaariyo laguna ababiyo dhaqanka suuban ee diinta Islaamka. Intaa ka sokow inantu waxay xaq u leedahay wabarasho iyo ka qayb-qaadasho horumarka bulshadeeda.
Maamulida aabbaha ee inantiisu ma dhaafsiisna xadka ah edbinta iyo rabaynteeda, iyo dhiirigelinteeda ku dhaqanka diinta Islaamka. Waxa loo dhaqayaa sida walaalkeed, waxa la farayaa tukashada markay todoba sanno gaadho, sidoo kale ayaa toban jirkeeda ay tahay in la garaaco haday salaada ka tagto.
Hadii ay jirto hanti ay gaar u leedahay inantu, aabbuhu xaq uma laha dhex-galka hantideeda, wixii aan ka ahayn hagid iyo tusaalayn dhinaca wanaagsan ah.
xaqa waxbarashada:
Waxbarashadu waa ku waajib dhamaan xubnaha bulshada Muslimka ah, lab iyo dhedig yar iyo weyn, maadaama ay caqiidadeenu ku dhisan tahay cilmi iyo aqoon. Sidoo kale ayaa cibaadada iyo gudashada waajibaadka Ilaahay ay dhamaan u baahan yihiin in qofku aqoon u yeesho sida loo gudanayo. Waagii Nebiga-scw- dumarku waxay ahaayeen kuwa ka qayb qaata barashada Islaamka, kulana tatamayay ragga, iyagoo aan isku dhex baahin ragga ee ku dedaalaya in ay iyaguna gaar u raadsadaan cilmiga, sida aynu ka dheehan karno xadiiskan:
Abii Saciid Alkhudri ayaa laga weriyay inuu yidhi gabadh ayaa u timid Nebiga-csw- iyadoo ku tidhi: “Rasuul Allow, raggii baa qaatay wakhtigaaga intii badnayd, markaa noo qabo maalin aanu kuu nimaadno si aad noo barto waxii Allah ku baray”. Nebigu waxa uu u cayimay maalin gaar ah iyo meel gaar ah, isagoo markii ay u yimaadeen baray wixii Alle baray.
Cilmigu diinta Islaamka dhexdeeda wuxuu u qaybsamaa laba qaybood:
1. Aqoon ay tahay qof kastaa inuu barto, rag iyo dumarba, waana cilmiga kuu sahlaya qofku inuu barto kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha. Cilmigani waa mid waajib ku ah qof kasta oo Islaam ah.
2. Aqoon si guud waajib ugu ah bulshada, waana in mar kasta bulshada dhexdeeda laga helaa dad bartay oo aqoon u leh cilmigani. Aqoonta noocani ah waa barashada cilmiga sayniska iyo cilmiyada kale ee lagama maarmaanka ah. Tusaale ahaan, bulshada dhexdeeda waa in laga helaa dhakhtaro, injineero iyo aqoonyahano saynis. Hadii in bulshada ka mid ahi barato cimigan, inta kale wuu ka dhacayaa waajibnimadii barashadiisu.
Hadaba qaybta koowaad ee cilmigu waa ku waajib dumarka, oo waxay kala siman yihiin ragga, lakin qaybta labaad hadii la helo aqoon u leh, oo ku filan bulshada, dumarka wuu ka dhacay waajibnimadiisii.
Inta ay jirtay taariikhada Islaamku waxa ka soo dhex baxay, haween badan oo ku xeel-dheeraadaay qaar ka mid ah laamaha aqoonta ee diinta Islaamka, tusaale fiicanna u noqday intii ka danbaysay. Caa’isha Bint Abuubakar-rc- oo ka mid ahayd hooyooyinkii Muslimiinta ayaa waxay ahayd qofka ay kula laabtaan in badan oo Asxaabtii Rasuulka ahi arrimaha ugu adag, waxa laga kaasha jiray xadiisyada, akhriska Quraanka Kariimka ah iyo aqoonta Quraanka. Sidooo kale ayaa Kariima Bint Axmed ay aheyd mid ka mid ah dadka soo weriyay kitaabka Saxiixul Bukhaari, oo ah kitaabka labaad ee diinta Islaamka, marka laga reebo kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Shaqada gabadha:
Hawsha gabadha Islaamka ahi ma ay ahayn mid ku kooban guriga, waayo, marmarka qaar dumarku waxay ragga ka caawin jireen hawlaha raadinta nolol-maalmeedka. Waxa ay dumarku ka qayb qaadan jireen gudashada Cibaadada, sida salaadaha, iyadoo qaarkood ay lahaayeen xirfad shaqo sida tolista dharka. Arrinka ugu muhiimsanina waxa uu ahaa in aanay isku sii dhex dayn ragga lakin horumarka bulshada aad bay uga qayb qaadan jireen.
Sidoo kale ayaa dumarku ay ka qayb qaadan jireen jihaadka iyagoo doorkoodu ahaa waraabinta ciidanka, dawaynta kuwa dhaawacan iyo gurya ku celinta kuwa shahiiday. Dumarku waxa ay qayb laxaad leh ka qaadan jireen guubaabinta ciidanka Muslimiinta iyo dhiiri-galintooda, iyagoo la diyaarin jiray qalabka dagaalka sida hubka iyo fardaha.
Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illayn geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen.
Hadraawi
Hadaba maadaama ay haweenku ka soo qayb qaadan jireen hawlaha bulshada, ayna aheyd wax aan hadal ka iman, maxaa keenay in culimo badani ay aad uga soo horjeedsadaan shaqada haweenka wakhtigan la joogo, ayna noqoto wax la isku khilaafay dunida Muslinka ah dhexdeeda?
Jawaabta su’aashani waxa ay tahay, waxa keenay dhibaatooyinka ka dhashay shaqada dumarka ee wakhtigan, gaar ahaan bulshoooyinka reer Galbeedka iyo sida ay ugu sacab tumayaan in dumarku ay u dareeraan shaqo nooc kasta ah.
Haddaba dhaqannada xunxun ee soo kordhay iyo dhibaatooyinka ku cusub bulshada Muslimka ah waa kuwa saameeyay heerkii bulsheed, kii akhlaaqeed iyo kii maaliyadeed ee bulshadaba, waxaana ka mid ah:
1. Dareemidda ay inantu dareemayso inay madax-banaan tahay waxa uu ku dhaliyay inay ka maaranto guurkii, si ay iskaga sii madax-banaanaato. Tanina waxay kordhinaysaa halista ka iman karta guur la’aanta.
2. Inanta dibada ka shaqaynaysaa waxay ka wahsanaysaa gudashada waajibka saygeeda iyo caruurteeda ka saaran. Waxa batay burburida qoysas badan oo muslim ah arrinkan daraadeed.
3. Shaqooyinkani waxay kordhiyeen fursadihii ay iskugu dhex-darsami lahaayeen labada jinsi. Arrinkani waxa uu kordhiyay faafida sinada iyo dhaqano kale oo xunxun, sida burburka dhaqankii bulshada.
4. Haweenka u soo dareeray waxay keeneen yaraansho shaqadii dhalinyartu qaban lahayd. Arrinkani waxa uu keenay shaqo la’aan ku baahday bulshada dhexdeeda. Iyadoo saamayn ku yeelatay dhamaan xubnaha bulshada.
5. Soo if-bixidda dhaqano cusub oo aan hore u jiri jirin, sida xoogga saarida quruxda inanta, iyadoo hablaha aan loo eegayn kartidooda iyo aqoontooda, lakin la tix galinayo quruxdeeda iyo dheeheeda.
Waxa aynu odhan karnaa waxa la isku khilaafay maaha shaqada dumarka lafteeda, ee waxa ay tahay waayitaanka jawi ku haboon hawlihii ay dumarku qaban lahaayeen si ay uga qayb-qaataan horumarinta bulshadooda, mar hadii aan loo eegayn u qalmida hawsha iyo awoodeeda, wax shardi ahina aanu ku xudhnayn nooca shaqada ee ay tahay inay ku dhaqaaqdo.
Diinta Islaamku way jidaysay shaqada mid kasta oo ragga iyo dumarka ahba. Ragga waxa la faray in uu ka soo shaqeeyo guriga dibediisa, si uu ugu soo dhidido baahiyaha qoyska, halka gabadha iyana laga furtay shaqadan, iyadoo baahideeda dusha loo saaray aabbeheed, walaalkeed iyo saygeeda kolba mid. Sidaa darteed shaqada gabadha waxa laga dhigay hawsha guriga, barbaarinta ubadka iyo dhamaystirka baahiyaha qoyska ee guriga dhexdiisa.
Ragga Ilaahay waxa uu waajib kaga dhigay inay shaqaystaan, oo xoogsadaan si ay u gudaan masuuliyada dusha u saaran, lakin dumarku waxa ay shaqo u bixi karaan marka ay lagama maarmaan noqoto oo kaliya, sida hadii ay waydo cid damaaanad qaada baahideeda, ama qofkii masuuliyadeedu saarnayd ay gudan kari waydo. Diinta Islaamku waxay u dhigtay shuruudo Marka ay gabadha u banaan tahay inay ka qayb-gasho shaqo, waana inay buuxiso, shuruudahaasi si ay shaqadedu u noqoto mid meel mar ah.
Shuruudaha ku xidhan shaqada gabadhu waa:
1. Inay ahaato shaqadani mid la jaan-qaadi karta abuurka inanta iyo takhasuskeeda, ee aanay noqon mid ku sii dhex daynaysa inanta meelo badan oo ay ka dhowrsoonayd, guriguna uga fiicnaa.
2. In aanay shaqadani keenin ka hayaamidda shaqadii lagama maarmaanka ahayd ee gabadha, sida hooyanimada, ilaailinta ubadka iyo daryeelida qoyska.
3. In shaqadani tahay mid ka dheer inay gaar isku noqdaan inan iyo wiil, si looga hor-tago fitnada ka dhalan karta kulankooda.
4. Inay ka qayb qaadato shaqadeeda iyadoo asturan, dhowraysana socodkeeda, hadalkeeda iyo dhaqaaqeedaba.
5. Inay shaqadani ahaato mid banaan dhinaca sharciga. Ragga iyo Gabdhaha midna uma banaana inuu u shaqo tago meelaha ka soo horjeeda dhaqanka Islaamka, sida baararka iyo meelaha lagu kala iibsado waxyaabaha xaaraanta ah sida khamriga.
Thursday, December 10, 2009
Xuquuqda haweenka iyo doorkooda. Qaybtii 6aad.
Lama hayo taariikhda diin ama nidaam kale oo u tix-geliyay hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-gelisay, iyadoo u aqoonsan inay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo, isla markaana leh xaqa ugu badan ee aan qofna gudi karin. maxaa yeelay, hooyadu waxay soo martaa dhibaatooyin badan oo ay kala kulanto calool-ku-qaadida, sidista, hawsha iyo xanuunka dhigitaanka ama foosha iyo barbaarinta ilmo kasta.
Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame-Hadraawi- oo in badan ka gabyay hooyada iyo doorkeeda ayaa tixdiisa “Anuun baa hooyadaa ah” waxa uu ku soo qaataa siday ugu dhabar-adaygaan hooyooyinku dhibta hooyanimada iyo hawleheeda, wax uu yidhi isagoo ku hal-qabsanaya hooyo la hadlaysa wiilkii ay dhashay:
Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga
Diinta Islaamku waxay aad u adkeysay isla markaana ku dardaaarantay, xaqdhawrida iyo u sama-falida waalidka gaar ahaan hooyada, iyadoo aayado badani ka hadleen xaqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay la kulanto hooyadu, sidaa darteed xaqa hooyada ayaa aad looga adkeeyay ka aabaha, sida ku cad suuratu Luqmaan-aayada 14aad- iyo suuratul Axqaaf-aayada 15aad- u sama-falka waalidku waxa uu ku derajo xigaa caabudida Ilaahay.
Xadiisyada ku soo arooray xaqa hooyadu aad bay u badan yihiin, waxanse ka soo qaadanaynaa dhawr ay ka mid yihiin:
Nin ayaa u yimid Nebiga-csw- isaga oo weydiinaya," yaa iigu mudan dadka inaan u sama-falo?" Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay," Hooyadaa", ninkii waxa uu hadana weydiiyay "yaa ku xiga?" Nebigu-csw- waxa uu ku jawaabay "Hooyadaa", ninkii waxa uu mar labaad ku celiyay "yaa ku xiga?" Nebiguna waxa uu ugu jawaabay,"Hooyadaa", ninkii mar sadexaad ayuu ku celiyay " yaa ku xiga?" markaas ayuu Nebigu ugu jawaabay "Aaabahaa".
Nin ayaa ku dawaafayay Kacbada isagoo dusha ku sida hooyadii oo uu dawaafsiinayo, markaas ayuu Nebiga weydiiyay "Rasuulkii Ilaahayow, ma guday xaqeedii?", Nebigu waxa uu ugu jawaabay " maya, xataa maad gudin mid ka mid aha hinqashooyinkeedii". xadiiskanina waxa uu cadeynayaa in inta waalid loo sama-falaa aanay marna waxba ka gudayn xaqa uu kaa mudan yahay, ee aynu ka garan karayno culayskisa inta aayado iyo axaadiis ka hadlay. Sidoo kale ayaa Abwaan Careys Ciise gabaygiisii “Hooyadu waa lama huraan”, uu ku lahaa”
Hantida aad leedihiyo
Wixii aad haabataa
Haddii loo siiyo hibo
Abaalkood lama helee
Hooyadu waa lama huraan
Nin ayaa isna u yimid Nebiga isagoo ku yidhi, "Rasuul Allow, waxaan rabaa inaan ka qayb qaato duulimaadyada Islaamka, markaa waxaan u socdaa inaad ila taliso". Nebigu waxa uu ninkii weydiiyay inay nooshahay hooyadii, ninkii waxa uu ku jawaabay, "haa", dabadeed Nebigu waxa uu ku yidhi, "u sama fal hooyadaa, Jannadu waxay hoos taalaa lugaheeda.
U sama falka hooyada waxaan uga jeednaa wanaajinta la dhaqankeeda, xaq-dharkeeda, u furfurnaanta iyo u debecsananaanteeda, ku adeecideeda wixii aan ahayn macsiyo- ama denbi- iyo la socodsiinta iyo weydiisashada ogolaansheheeda dhamaan hawlaha aad ku kacayso, xataa hadii aad u baxayso Jihaad, waa inaad ogolaansho ka heshaa.
Waxyaabaha aadka u layaabka leh waxa ka mid ah, in diinteenu Islaamku ay ina farayso in loo sma-falo hooyada, xataa hadoo hooyadu tahay mid aan haysan diinta Islaamka, isagoo Nebigu-csw- faray Asmaa Bint Abubakar inayu sama-fasho isla markaana si fiican u xudhiidhiso hooyadeed oo aan ahayn Msuslimad.
Islaamku si uu u ilaaliyo hooyannimada xaqeeda iyo dareenkeedaba, waxa uu cadeeyay in hooyada la furay ay xaq u leedahay haynta iyo xananaynta ilmeheeda, ayna ka mudan tahay iyadu aaabaha dhalay ilnahaasi, sida ay dhigayaan qisooyinkani:
Sida uu werinayo Cabdilahi bin Cumar bin Caas-rc- gabadh ayaa u timid Nebiga-csw- iyadoo ku doodaysa in inankeedii ay dhashay, ee ay caloosha ku qaaday, ee naas nuujisay, uu aabihii oo iyada furay rabo inuu ka qaato. Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay,”adigaa ku xaq leh inta aanad guursan”.
Sidoo kalea ayaa Cumar Bin Khadaab-rc- waxa uu furay xaaskisii Ansaariyadda ahayd ee u dhashay wiilkiisii Caasim. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cumar uu kula kulmay suuq ku yaala meel u dhaxaysa Madiina iyo Quba, iyadoo wadata inankeediina. Cumar waxa uu isku dayay inuu ka qaato wiilkiisa, waanu ka qaatay, kadib wiilkii yaraa waa uu ooyay, waxaanu ku yidhi,”Aniga ayaa kaa mudan wilkayga”. Markii ay ku murmeen ayaa waxa la iskula tagay Abuubakar, si uu ukala xukumo. Abuubakar waxa uu go’aamiyay in wiilka ay xaq u leedahay hooyadii, waxaanu u sheegay Cumar in gurigeeda iyo gogosheeduba ay uga fican yihiin wiilka, inta uu korayo ee u gaadhayo heer uu kala dooran karo.
Hooyadu waxa ay leedahay xaqa ugu badan ee qof leeyahay, mana banaana in lagu kaco fal aanay raali ka ahayn, xataa hadii uu qofku dan u arkayo falkaa. Tusaale ahaan, hadii ay hooyo ka dalbato wiilkeeda inuu furo xaaskiisa oo uu jeclaa, waaa inuu furaa isagoo tix-gelinaya hooyadii, door-bidayana raali-ahaanteeda. Xadiis uu werinayay Abu Dardaa’ ayaa waxa ka hadlaya nin weydinaya waxa la gudboon, kadib markii hooyadii weydiisatay inuu furo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Waxa uu kula taliyay inuu iska furo, madaama ay adeecidda hooyadu ka horeyso wax walba, uuna Nebiga ka maqlay isagoo ka hadlaya xaqa waalidka.
Tuesday, December 1, 2009
Xuquuqda haweenka iyo doorkooda. Qaybtii 5aad.
Ilaalinta Islaamka ee haweenka.
Diinteena Islaamku waxay tix-gelisaa dhedignama gabadha, waxaanay u aqoonsan tahay inay tahay waax dhamaystiraysa ninka, sida uu ninkuba u dhamasytirayo gabadha. Ilaahay(SW) wuu habeeyay khalqigiisa, waxaanu u jideeyay inay ahaadaan lamaaneyaal (pairs), si ay isku dhamastiraan, waxaana lamaaneyaashan lagu arkaa dhirta iyo xayawaanka oo u nool qaab lab iyo dhedig ah, sidoo kale ayaa in badan oo ma-noolaha ahi ay ugu jiraan hab laba danab-charges- mid togan(positive charge) iyo mid taban(negative charge), si looga faa’iidaysto iyagoo wada jira.
Sidoo kale ayaa gabadha loo sameeyay qaab iyo astaamo ay ku soo jiidan karto lamaaneheeda ninka ah, iyadoo labadaba uu Rabbi ku abuuray hammo iyo hamuun uu midiba u qabo la noolaanshaha iyo helitaanka ka kale, si ay u tarmaan, una waaro jiritaanka aadamuhu.
Diinta Islaamkuna waxay aad uga soo hor-jeedaa wax kasta oo ka hor-imanaya jidkan ama keenaya isku darsan iyo is dhex-gal ragga iyo dumarka ah, waayo gabadhu maaha nin, lakin waa qayb dhamaystiraysa ninka iyana u baahan in la dhamystiro. Sidaa daraadeed ayaa loo baneeyay guurka oo ah aasaaska qoyska, iyadoo dhamaan diimihii soo degay ay ka midaysnaayeen mamnuucida sinada iyo falalka kale ee foosha xun, iyadoo la ilaalinayo ragga iyo dumarkaba, lagana dheeraanayo fitnada iyo wax kasta oo bulshada dhabar-jebinaya.
Halka uu Islaamku ka taagan yahay dumarka waxaynu ku soo koobi karnaa dhowr arrimood:
• Islaamku wuxuu ilaalinayaa haweenka si ay u noqdaan ilo naxariiseed, debedsanaan iyo quruxeed. Sidaa darteed ayaa dumarka waxa loo baneeyay waxyaabo laga xaaran yeelay ragga si ay ugu kordhiyaan quruxdooda, sida isku qurxinta iyo qaadashada dahadbka. Sidoo kale ayaa iyadana laga mamnuucay inay isku ekaysiiso ragga dhinaca dhar-qaadashada, codka, socodka iyo dhaqankaba, iyadoo axaadiis soo aroortay lagu nacdalay gabadha isku ekaysiisaysa ragga iyo ninka isku ekaysiiya gabadha, waxa laga digayayna ay ahayd isku milanka hawlahooda gaarka ah iyo dhibta ka imanaysa.
• Islaamku wuxuu ilaaliyay gabadha, waxaanuku dhamaystiray ragga, iyadoo ragga lagu waajibiyay inay quudiyaan isla markaana u dhamaystiraan baahiyaheeda aasaasiga ah, sida cuntada, hu’ga iyo hoygeedaba. Waxa xilkeeda la saaray aabeheed, saygeeda, walaalkeed, inankeeda iyo hadba ragga kii ugu dhaw, waxaana laga ilaaliyay inay baahi darteed u dhex-gasho is xagxagashada suuqa, sida ay yeesho gabadha reer galbeed ee aan haysan wiil, waalid iyo walaal daryeela toona, ee qabanaysa hawl kasta oo loo diro, qiima kasta ha lahaatee.
• Islaamku wuxuu ilaalinayaa dabeecada iyo xishoodka gabadha, iyadoo la tix-gelinayo dhowsoonaanteeda lagana horjoogo halisaha ka iman kara xumaanta gacmaha u heelan helitaankeeda.
Si loo fuliyo arrimahan, isla markaana loo ilaaliyo loona gaadho hadafka ah helitaanka hooyo dhowrsoon oo soo saarta bulsho waxtar leh, diinteenu waxay ku waajibisay dumarka waxyaalaha soo soda.
Inay qabsato indheheeada, ilaalisana dhowrsoonaanteeda iyo nadaafadeeda, sida ku xusan suuratul Nuur-31.
Inay xishooto oo qarsato quruxdeeda iyo jidhkeeda, wixii aan ahyn marka ay la joogto ninkeeda iyo inta muxrimka u ah.
Inay ka dheeraato la keli-noqoshada ragga ajnebiga ka ah, iyo dhex-galkooda, isagoo Nebigu(nnkha) ku lahaa xadiis laga soo weriyay saxaabiga Cabdilahi Ibn Cabaas “Yaanu la keliyoon nin gabadj, yaanay safrina gabadhu hadii aanu muxrim la socon”.
Inay wanaajiso weedheheeda, hadalkeeda iyo socodkeedaba. Maaha hadalkeedu ceeb iyo cawro toona, lakin waa inay ku hadashaa wax fiican.
Inay ka fogaato is-qurxinta jaahiliga ah iyo marsashada cadarka ay ula baxayso dibedaha ka durugsan gurigeeda si aanay dareen ugu abuurin ragga ajnebiga ah.
Xukunadan dhamaan waxa Rabbi si cad ugu sheegay Suuratul Nuur-aayadda 31aad-waxaanay xukunadani faa’iido weyn u leeyihiin bulshada guud ahaan gaar ahaan haweenka, waxaan ka mid aha faa’iidooyinkan:
• Ka ilaalinta haweenka ee miciyaha ugaadhsatada u heelan waxyeelayntooda.
• Ilaalinta xishoodka iyo dhowrsoonaanta haweenka iyadoo looga digayo ka leexashada jidka toosan.
• Ilaalinta karaamadeeda iyo nasabkeeda lagana hor-joogo waxkasta oo hoos udhigaya sumcadeeda.
• Ilaalinta gabadhu waa ilaalinta ninka, iyadoo laga hor-joogsaday falalkii xumaa ee uu kukici lahaa oo dhan.
• Samayska qoysas wanaagsan oo laga dheereeyay sababaha kala tagga iyo burburka qoyska.
• Dhawrida ragga iyo dumarka, iyo samayska qoysas wanaagsani waxay hordhac u yihiin hanaqaadka bulsho horumarsan.
Monday, November 23, 2009
Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda. Qaybtii 4aad.
Culimo badan- sida Imam Abuu Xaniifah- ayaa waxa ay qabaa in gabadhu ay ka gar-niqi karto isla markaana xukummi karto meelaha ay banaan tahay inay markhaati ka noqoto oo dhan, iyadoo culimo kale oo badanina ay ku khilaafeen.Laakiin banaynta arrintani macneheedu maaha waajibin iyo daruuri ay xukun ridayso gabadhu mar kasta, laakiin waa iyadoo arrinka loo eegayo maslaxadda gabadha, ta qoyska, ta bulshada iyo ta Islaamka guud ahaan. waayo abuurka gabadha, dabeecadeeda sal-fududaydka iyo hab-dhiskeeda ficiltanka ama caadifadda ku dhisan ayaan u ogolaanayn inay ka qar-naqdo xukunada xuduuda iyo qisaasta la fulinayo. Xadka sinada oo kale dumarka inay markhaati ka noqdaan waxa loogu diiday adkaanta ay adag tahay inay si faahfaahsan u sharaxdo waxa ay aragtay, xishoodkeeda daradeeed, sidoo kale way adkaanaysaa inay dhagaysato kiisaska noocan oo kale ah, isla markaana ka gar-naqdo.
Marka ay noqoto xilalka siyaasada, waxaynu ognahay loolanka badan ee ka jira masraxyada siyaasada, iyo is-eedaynta iyo xifaaltanka guud ee ka dhexeeya xubnaha ku jira hawshaa. Sidaa daraadeed dumarka dabeecadoodu uma saamaxayso dhex-orodka arrinkan, waxaana haboon in ay ku dhawrsoonaadaan guryahooda iyo wixii kale ee danta guud ee umadda ah, si ay uga nabad galaan is-xagxagashada siyaasada. Dhinaca kale, diin ahaan iyo dhaqan soomaali ahaanba dumarka waxay leeyihiin tix-gelin iyo mudnaan gaar ah, inta ay hablaha yihiin ee ay ku hoos jiraan gacanta waalidkood iyo inta ay hooyooyinka yihiin ee ay ku hoos-jiraan gacanta raggooda, iyadoo mar kasta lagu dagaalami jiray hir-gelinta arrintan, oo ay gabdhuhu hormood ka ahaayeen waxyaabaha inta ugu badan lagu dagaalamo. Hadaba soo dhex-galida barnaamijyada siyaasada ee dumarku waa arrin ku cusub dunida Muslinka ah, gaar ahaan geyigeena soomliyeed, waxaana inta badan dhidibada u taagaya oo saamayn iyo gacan weynba ku leh fikrado reer Galbeed, kadib markii ay ogaadeen in dhinaca dumarka looga soo dhici karayo dadyowga ku abtirsada diinta Islaamka, iyagoo ku soo dhuumanaya waxa ay ugu yeedhaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha..
Fikirka noocan ahi waa mid aan midha- dhal ahayn isla markaana ay ku hungoobeen dadyowgii haystay, waxaanay dareemeen khasaaraha ay leedahay inanta iyo hooyada u ban-baxaysa suuqyada iyo masraxyada siyaasada, kadib marka laga kaxeeyo xarumahoodii dabeecadda iyo diintuba u ogolayd, sida guryaha, goobaha waxbarashada, cibaadada iyo goobaha caafimaadka oo ay abdikood ka soo qayb qaadan jireen.
Inanta iyo hooyada u soo baxay masraxyada siyaasada labaduba waxay gabeen hawshii ay u hayeen bulshada, isla markaana waxay ka talaabsadeen milgihii suubanaa ee dhowrida dumarka, iyo ilaalinta karaamadooda. Marka aad weydiiso in badan oo ka mid ah dumarka u sacaba-tumaya talooyinka iyo fikradaha reer Galbeedka, hadii ninka iyo gabadha labaduba dibada u baxaan oo shaqo tagaan waa ayo cidda daryeelaysa isla markaasina ka warhaynaysa ubadka? Waxa ay jawaab ka dhigaan in lahelayo hablo ku shaqeeya haynta iyo korinta caruurta, lakin caqliga saxda ahi waxa uu ku siinayaa waxay tahay, hadiiba ay gabadh kale ka shaqaynayso gurigaaga, waxa cad inaanay guulaysan fikradii qaloocday ee la inoo yeedhinayay ee ahayd sinnaanta ragga iyo dumarka, iyo ka soo saarida guryaha, maadaama hawshii dhabta ahayd ee dumarka ay fulinayaan uun dumar kale.
Waxyaabaha ka dhashay fikradan waxa weeyi, ta koowaad, in shaqada dumarka farqiga u dhexeeyaa aad u weynaado, iyaga oo kala raacaya laba shaqo oo labaduba aan midna sax ahayn- midi waa la loolanka ragga oo gurigeedii iyo ubadkeediiba wey gabtay, ta kalena in kastoo ay duruufi sabab u tahay hadana ubad aanay wax xidhiidh ah lahayn iyo guri shisheeye ayay u hoyatay. Arrinka labaad ee ka dhashay fikradani waa iyadoo ubadkii iyo waalidkii-gaar ahaan hooyadii- aanay jirayn xidhiidhkoodii xoogga lahaa ee ku salaysnaa maxabadda iyo is-jacaylka waalidnimo, waayo ilmuhu inta uu yar yahay waxa uu dadka ugu jecel yahay waa hooyadii oo uu dareemayo naxariisteeda iyo jacaylkeeda, islamarkaana hooyada ayaa ilmaha ku beerta xidhiidhka jaceyl ee aabihii, sidaa daraadeed ilmaha waayay hayntii iyo habidii hooyada wey yar tahay intuu dareemayo naxariista waalidka, waxaana ka dhasha caasi waalidnimo iyo waxyaabaha kale ee foosha xun ee ka dhex dhaca dadyowgaa aan haysan diinteena Islaamka. Inkastoo aanay bulshadeenu weli dareemin cidhibta iyo khasaaraha fikradaha galbeedka-arrinka oo innagu cusub aawadeed- hadana hooyada kaga mashquushay ilmaheeda hawlo aan daruuriba ahayn, ayaa waxa badanaaba ay la kulmaan in iyagana marka ay da’noqdaan ay ubadkoodu ka mashquulaan, isla markaana u diraan meelaha lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ee hawl-gabka ah.
Halka aynu ku sugan nahay iyo derajada aynu taagan nahay inteeda badan waa wax aynu ka dhaxalnay awowyaasheen iyo dadkii inaga horeeyay, lakin mustaqbalka iyo halkaynu ku socono iyo weliba in kamid ah xaadirka iyo halkaynu joognaa, waa wax gacanteena ku jira. Sidaa daraadeed, waa inaynu ka digtoonaanaa halisaha ay innaga badbaadiyeen waalidiinteen, waana inaynu guntiga u xidhanaa sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn fursadaha aan gacanta loo qaadin ee horumarineed. Waxaad moodaa in intii la is lahaa dhaafa halkii ay ina gaadhiiyeen intii inaga horaysay inaynu u socono dhinaca kale, inagoo dhex galnay halisaha ay soo dhaafeen dadkeenii hore, sida u dhaga nuglaanta dadyowga aan Islaamka ahayn.
Tuesday, November 17, 2009
Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda. qaybtii 3aad.
marka laga hadlayo dhaxalka wiilka iyo ka gabadha waxa ugu badan ee laga hadlaa waa saamiga wiil iy gabadh walaalo ahi ay ka helaan hantida aabohood ka dhintay. Gabadhu waxay ka helaysaa xoolahaa aabeheed saami ah hantida inanku helo nuskeed, si uu inanku u helo hanti u dhiganta saami laba hablood, sida ku cad Suratul Nisaa-11. Waxa cad in qaybtani ay salka ku hayso xilka iyo masuuliyada maaliyadeed ee saaran ninka, iyo sida aanay gabadha xil maaliyadeed marnaba u saarnayn qoorteeda, xataa hadii ay haysato hanti badan oo u gaar ah. hadii uu dhinto aabe, oo uu ifka kaga tago wiil iyo gabadh, wiilku wuu guursanayaa, wuxuu bixinayaa meher iyo waxyaabihii kale ee ku lug leh dhisida guriga, marka uu aqal-galana wuxuu bixinayaa biilka iyo baahida kale ee guriga, halka gabadha ay walaalaha yihiin la guursanayo oo ay qaadanayso meher, marka lala aqal-galana saygeeda ayaa lagu waajibiyay nafaqaynteeda iyo biilinteeda, haba ahaato tu maal badan haysata e.
Tusaale ahaan, aabaha ka tagay $15,000,inanku wuxuu helayaa $10,000, halka ay inantuna ka helayso $5,000. inanku markuu guursado oo uu bixiyo meher iyo hadiyado ku dhaw qiime ahaan $2,500 wuxuu saamigii uu helay ku dhacayaa $7,500, halka walaashii marka la guursado ee ay hesho meher iyo hadiyado u dhiganta tii uu walaalkeed bixiyay uu gaadhayo saamigeedu $7,500, waxaanay la mid noqonaysaa saamigii walaalked. Markaa kadib, ninka waxa saaran quudinta xaaskiisa, caruurtiisa, waalidiintii inta ka nool iyo walaalihiisa yaryar, halka aanay gabadhu waxba ka bixinayn marka laga tago waxay iyadu sadaqad ula baxayso.
Dhinaca kale, saamiga ragga iyo dumarka ee dhaxalku maaha mid joogto ah ama jaan-go’an, mararka qaar ayaa saamiga dumarku la mid yahay ka ragga, sida dhaxalka labada waalid ay dhaxlayaan wiilkooda aan waxba dhalin, iyagoo helaya saami isku mid ah-hal meel ka lix meelood- ama 1/6, maadaama labada waalid baahidoodu isku xidhan tahay. Sidoo kale wiilka iyo gabadhu waxay helayaan saami isku mid ah marka ay dhaxlayaan walaalkood dhinaca hooyo ah, oo aan ka tagin waalid iyo ubad midna, waxaanay qaadayaan hal meel ka lix meelood. Saamigan isku midka ahi wuxuu dhacaa dhaxalka meelo dhawr ah.
Mararka qaarkood waxa dhaca in gabadhu hesho saami ka badan ka ninka, tusaale ahaan, gabadha hantideeda uga tagtay saygeeda, hooyadeed, laba wiil oo ay walaalo yihiin iyo inan ay xagga hooyo oo kaliya ka walaalo yihiin, labada wiil waxay isku helayaan saami u dhigma ka ay heshay gabadhdu -1/6.
Inta badan waxa la soo qaataa qodobkaa labada walaalaha-wiilka iyo gabadha- ah maadaama ay fududahay in dumarka intooda badan loogu celceliyo, ilaa ay qaar u qaataan in xaq ay lahaayeen ka maqan yahay, isla markaana la hoos-mariyay ragga. Qaadashada fikaradanina waxay keenaysaa in qofku aanu ku qancin oo uu saluugo qaybta Ilaahay u qoondeeyay iyo saamigii uu u qaybiyay nimcadiisaba.
3. Magta
In kasta oo aanay jirin aayad Quraan ah oo dhinaca magta ku kala saaraysa ragga iyo haweenku, haddana waxa jira xadiisyo dhowr ah oo ka hadlaya arrinkan, haba la isku khilaafo saxiixnimada iyo silsilada xadiiska e. xadiisyadaa waxa ugu saxsan xadiis laga wariyay saxaabiga weyn ee Mucaad bin Jabal, oo uu leeyahay, “Magta gabadhu waa magta ninka nuskeed”. Maadaama khilaaf ka yimid saxiixnimada xadiiskan, culimada siyaabo kala duwan ayay u xukumeen masaladan, culimada qaar waxay sheegeen in xataa saxiixnimada xadiiskani uu sheegayo uun ijtihaad uu la yimid saxaabigaasi maadaama aanu ka sugin Nebiga-NNKH- waanay banaan tahay in la qaato iyo in kaleba. Culimada qaar ayaa qaba in ay ragga iyo dumarku ka siman yihiin dhinaca magta, mar hadii qofnimadoodii ay isku mid tahay, ku xad-gudubka mid loo geystaana uu keenayo Qisaas iyo cadaabka Alle oo u danbeeya danbiilaha falka geystay. Sidoo kale hadii gabadha loo dilo si aan ula kas ahayn ama gef ah waxa la raacayaa xukunkii marka ninka lagu dilo ula kas la’aan.
Sida raajixa ah ama ay culimada inta badan isla ogolaadeen waa in magta gabadhu tahay ta ninka nuskeed, iyadoo la tix-raacayo xukunadii a fuliyeen in badan oo asxaabta ka mid ahi, sida Cumar bin Khadaab iyo Cali bin Abiidaalib -RC. Waa marka hore e magtu maaha qiimaha qofka la dilay- nin iyo gabadh toona, Ilaahay agtiisana, aad bay u culus tahay dilka loo geysto qof islaam ahi. Magtu waa samirsiin iyo dhaqaale-kab lagu raali-galinayo ehelkii qofka la dilay, si ay uga soo kabtaan waayida xubin ka mid ahayd. Waa tan labaad e kala-soocidani waxay salka ku haysaa doorka mid kasta oo ragga iyo dumarka ahi uu ku lahaa bulshada dhexdeeda, mar hadii doorka ninku uu ahaa soo xeraynta maaliyadda qoyska, maqnaastiisuna ay keenayso dhabar-jab ku yimaada ishii dhaqaalaha ee qoyska, qiimaha kabka dhaqaalaha qoyska uu niku ka baxay wuu ka badnaanayaa, ka la siinayo qoys ay gabadhi ka baxday.
4. Gacan-sarraynta:
Gacan-sarraynta waxaan uga jeednaa maamulka iyo lahaanshaha awoodda fulineed ee qoyska.Ilaahay-SW- ragga ayuu siiyay gacan-saraynta iyo maamulka qoyska, sida ku xusan Suuratul Nisaa-34- waxaana u sabab ah laba arrimood oo midkood Rabbi u hibeeyay ragga midna ay kasbadeen.
• Ragga Ilaahay wuxuu ku manaystay awoodda rogrogida arrimaha iyo u kuur galidooda inta aanu qaadan go’aan, iyo u dhaqanka si degan oo uu ka fikiro cidhibta talaabooyinka uu ku kacayo. Halka dumarku ay leeyihiin habdhis sal-fudud oo si caadifadaysan ula ficiltama dhamaan waxyaabaha soo food-saara.
• Ninku waa aasaasaha ugu horeeya ee qoyska, isaga ayaana bixinaya dhaqaalaha looga baahdo marka la dhisayo qoyska sida meherka. Ninku waa maal-geliyaha guud ee hawlaha qoyska. Sidaa darteed burburka qoysku mar kasta waa burburkiisa isaga ayaana qaadaya masuuliyada, waana inuu kun jeer ka fikiraa inta aanu qaadan go’aan khasaare ku ah oo baabi’inaya qoyskiisa.
Monday, November 9, 2009
xuquuqda haweenka iyo doorkooda. qaybtii 2aad.
Qofnimada Gabadha
Diinta Islaamku waxay soo baxday iyadoo dadka qaar ay inkireen qofnimada gabadha, qaar ay ka shakiyeen, qaarna ay u aqoonsadeen inay ka mid tahay dadka, laakin ay hadana ku qeexeen inay tahay makhluuq loo abuuray u shaqaynta ninka. Waxyaabaha uu la yimid Islaamku waxay ahaayeen maamuusida haweenka, xaqiijinta qofnimadeeda, mudnaanshaha ay mudan tahay masuuliyad, abaal-marin iyo gelitaanka jannada hadii ay fuliso waajibaadkeeda. Islaamku wuxuu ku qeexay gabadha inay tahay qof maamuusan oo leh mid la mid ah xuquuqda uu leeyahay ninku.maadaama ay yihiin laba laamood oo geed kaliya ku yaal, ama laba walaal oo leh aabbo kaliya iyo hooyo kaliya, kuwaasoo ah Aadan iyo Xaawa.
Ragga iyo dumarku waxay ka siman yihiin waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, asalka ay kasoo jeedaan, dabeecadaha guud ee Bani-Aadamka, waajibaadka, masuuliyadda, abaal-marinta iyo halkay ku danbaynayso cidhibtoodu. Ninka iyo gabadha, mid waliba sida uu u fuliyo masuuliyadda saaran ayuu abaal-marinteeda uga helayaa Ilaahay agtiisa iyadoo aan loo kala saarin jinsigooda, ee ay yihiin addoomo Ilaahay, sida ku cad Suuratul-Aal cimraan-195, iyo Suuratu Nisaa’-124.
Islaamku wuxuu waajib ka dhigay ragga iyo dumarka labaduba inay wax bartaan isla markaana raadsadaan aqoonta.
Dhinaca maaliyadda, Islaamku wuxuu buriyay fikrado badan oo ay qabeen dadkii waagaa noolaa, iyadoo gabadha loo diidanaa inay xoolo yeelato, iyo inay cid dhaxasho labadaba. Islaamku wuxuu u ogolaaday gabadha inay xoolo yeelan karto, isla markaana leedahay xaqa dardaaranka iyo dhaxalka. Gabadhu Islaamka dhexdiisa waxay heshay xaq ay wax ku iibin karto, iibsan karto, kirayn karto, hibayn karto,ergisan karto, ergisi karto, sadaqad la bixi karto iyo xaqa ay maalkeeda ku deeqi karto. Sidoo kale ayaa gabadhu u heshay xaq ay ku difaacdo maalkeeda sida ay u difaacayso nafteeda.
Sinnaanta guud kasokow, Islaamku ragga iyo dumarka wuu u kala gaar yeelay mid walba shaqadiisa, masuuliyadda saran iyo doorka uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, dumarku waa warshada soo saarta jiilal tayo leh oo la higsado, sidaa daraadeed, ayaa ragga loo dul-saaray ilaalinta, dhaqaalaynta iyo nafaqaynta xaaskiisa, ubadkiisa, gabdhaha ay walaalaha yihiin iyo waalidkiiba, iyadoo aanay dumarka intaa midna la wadaagin marka laga tago duruufo gaar ah oo aalaaba ay yar tahay intay dhacdaa, sida haddii la waayo ninka oo kale.
Xikmada ka danbasa kala saarida ragga iyo dumarka xukunada qaarkood:
Su’aasha in badan la is- weydiiyo ayaa ah hadii uu Islaamku qiray inay gabadhu la siman tahay ninka, maxaa keenay in la doorbido ragga marar gooni ah iyo xaalado gaar ah. Sida markhaatiga, dhaxalka, magta, hawsha aqalka iyo maamulida dawladda?
Sida dhabta ah kala saarida labka iyo dhedigga ee xukunadani maaha in jinsiga raggu ka maamuus badan yahay-Ilaahay agtiisa- ka dumarka, waayo waxa Ilaahay loogu kala dhow yahay sida loo kala cibaado badan yahay, lab iyo dhedigba. Kala soocidan waxa sal u ah shaqada ay u kala gaar yihiin iyadoo la tix-raacayo sifada ay u abuuran yihiin.
- Markhaatiga ninka iyo markhaatiga gabadha
Sida ku cad aayadaha u danbeeya Suuratul Baqara- Aayadda is-daymaynta- marka la kala qoranayo daynta arkaanta loo baahan yahay ee xusan waa, daymeeye, daymaysne, qo u kala qora (nootaayo), iyo laba markhaati oo caadiliin ah ragna ah.hadii la waayo rag, markhaatiga ninku wuxuu u dhigmayaa laba dumar ah markhaatiyadood si hadii a midkood ilowdo ay ta kale u xusuusiso. Tan macneheedu maaha daciifnimo dumar, iyo liidasho ay ka hooseeyaan qofnimadedu ka ragga, lakin waa iyadoo loo eegayo abuurkeeda iyo takhasuskeedashaqo. Sida aynu ogsoonahay, qof kastaa wuxuu awood weyn oo xusuuseed ku leeyahay goobaha iyo arrimaha uu inta badan ku dhex sugan yahay, waxaanu xasuustiisu ku yar tahay waxyaalaha aanu inta badan faraha kula jirin. Nidaamka ganacsiga iyo xidhiidhka maaliyadeed ee dadka ka dhexeeya maaha mid u dabacsan abuurka dumarka, dhex-galka hawshanina maaha mid inta badan loogu tala-galay dumarka, marka laga reebo marar yar oo ay duruufi sabab u tahay. Sida daraadeed, inta badan dumarku way kaga xusuus yar yihiin ragga waxyaabaha aanay inta badan la wadaagin ragga, sida ragguba ay uga xasuus yar yihiin dumarka dhinaca hawlaha guud ee guriga. Markaa waxa cad in xusuusta (memory) dumarku ay ka hoosayso ta ragga dhinaca ganacsiga iyo xidhiidhka maaliyadeed ee u dhexeeya bulshada, sida ay xusayso Aayadaasi iyadoo laga cabsi qabo inay illowdo waayo hawleheeda ayaa ka badan isla markaana aan wax xidhiidh ah la lahayn hawlahaa ganacsiga iyo is-daymaynta. Sida ay qabaan culimada qaarkood haddii arrinta dayntu uu dhex-marayo haween soo galay ganacsigan isla markaana in badan ku dhex-jira, waxa dhici karta in ay iyaga dhexdoodu markhaati isku noqdaan, laakiin taasina waa naadir iyo fara-ku-tiris.
Culimadu waxay isku raaceeen, in dumarka aan markhaati laga dhigan karin qisaasta iyo xuduudaha marka la fulinayo, iyadoo laga durkinayo gabadha inay dhex-gasho meelo xad-gudub, iyo fagaareyaal lagu galay dhagar iyo cadowtooyo. Tani waxa u sabab ah iyadoo aanay gabadha dabaeecadeedu marna u saamaxayn, waa marka hore e inay aragto intii loo baahnaa xad-gudubka dhacay, iyo ta labaad oo ah in xataa hadii ay dhacdo inay aragto aanay xaakinka ama qaadiga iyo umadda horteeda ka sheegi karayn wixii ay aragtay iyo sidii ay wax u dhacayeen. Tusaale ahaan, fulinta xadka sinada, way adag tahay in xataa ragga arkay laba ruux oo falkii samaynayaa ay buuxiyaan heerka looga baahan yahay inay markhaati ka noqdaan xadgudubkaa. Gabadhana inta badan marka ay la kulanto falalka foosha xun, waxa lagu yaqaan in ay indhaha qabsato oo qaylido iskagana cararto goobtaa ay wax ka dhaceen. Hadiiba ay dhacdo in ay si kadis ah ula kulanto falkana waxa ku adag cadayntiisa iyo sharaxiisa.
Waxa jira meelo u gaar ah dumarka sida dugsiyo, xarumo caafimaad, iyo gobo kaleba, kuwaasi oo ah meelo ka caaggan ragga. Hadii ay dhacdo in meelahaa u gaarka ah ay ka dhacdo danbi iyo xad-gudub, waxa xoogga la saarayaa markhaatigooda, maadaama aanay caqli-gal ahayn in markhaati rag shardi lagaga dhigo meel aan ragga waxba ka ogayn.
Sunday, November 1, 2009
Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda.qaybtii 1aad.
Hordhac.
Waxa aan muran ku jirin in haweenku yihiin laf-dhabarta iyo udub-dhexaadka bulsho kasta, ha noqoto buslhadaasi mid garawsata xaqiiqadaa ama mid aan fahmin e, bulshana waxa ay ka hormartaa kuwa kale ee la faca ah kolba sida ay u qadariso una dhamaystirto dhamaan xuquuqda xubin kasta oo ka mid ah. Haweenku waa bulshada badhkeed (nuskeed), mana aha bulsho inay fudaydsato badhkeed, ama dhalliisho, ama dulmido, ama buriso xuquuqda ay mudan yihiin. Iyadoo ay aqoonyahanada islaamka qaar ku macneeyeen inay haweenku yihiin bulshada badhkeed, tiro ahaan lakiin saamayntoodu ay ka balaadhan tahay ta ragga ama bulshada inteeda kale.
Haweenku waa dugsi (school), haddii si fiican loo dhiso dugsigaasina waxa uu soo saarayaa jiil waxtar leh, oo anfacaya dhamaan qayabaha kala duwan ee bulshadaasi, isla markaasina ka taga raadad dhaxal-gal ah oo ay hiigsadaan jiilalka ka danbeeya. Sidaa darteed ayaa hogaamiyayaasha, culimada diinta iyo aqoonyahanaduba ay mudnaan badan u siiyaan barbaarinta gabdhaha, iyo arrimaha haweenka, ilaa inta ay, noqonayso xubinta mudan in la karaameeyo oo la maamuuso, laga ilaalinayo xad-gudubyada iyo dulmiga, loona hirgalianyo heitaanaka xaqa waxbarasho, shaqo iyo guur ee ay ku leedahay bulshada dhexdeeda.
Diinteena Islaamka waxay ka badbaadisay dumarka dulmigii iyo xadgudubyadii lagula kici jiray iyo sidoo kale fikradihii laga aaminsanaa haweenka. Islaamka ka hor, dhaqanadii carbeed iyo kuwii kale ee waayadaa jirayba waxay ahaayeen kuwa dumarka aad u duudsiyay xuquuqdii ay lahaayeen, xataa xaqa ay u leedahay inay noolaato, iyadoo aad loo sharaysan jiray dhalashada inanta, waxaana ay aasi jireen iyadoo nool. Waxa mararka qaar loo kala iibsan jiray sida badeecadaha iyadoo la dafirsan yahay xataa qofnimadeeda iyo shaqsiyadeeda. Mid ka mid ah aabayaashii carbeed ee noolaa wakhtigaasi jahligu baahsanaa ayaa sida taariikhdu dhigayso loo sheegay in xaaskiisii umushay gabadh, waxa uu ku calaacalay isagoo murugaysan in aanay wax faa’iido ah lahayn, waxa kaliya ee ay kartaana tahay qaylada iyo oohinta xilliyada loo baahan yahay in seefta la qaato, sama-falkeeduna yahay tuugo ay xoolaha aabeheed iyo ka saygeedaba xaddo.
Islaamku wuxuu hor istaagay dhamaan dahaqanadii lidiga ku ahaa dumarka, wuxuu qiray qofnimadooda, wuxuu siiyay xuquuq la mid ah ta uu ninku leeyahay, wuxuu ka dhigay qof karaamaysan, wuxuu ragga iyo dumarka mid walba saaray mas’uuliyad guud iyo mid gaar ah, oo lagula xisaabtami doono mid waliba fulinta waajibkiisa, waxaana gabadha loo aqoonsaday inay tahay laf-dhabrta bulshada. Fulinta iyo dhaqan-gelinta arrintanina waxay sababtay horumarkii laxaadka lahaa ee ay ku talaabsatay dunida muslimku.
Ku dayashadi indhaha la’ayd ee reer galbeedka..
Aqoonayhanadii reer Galbeedku waxay u kuur-galeen nidaamkii iyo siyaasadii guud ee ay dadyowga Islaamku ku horumareen casriyadii ugu horaysay, dhinacyada cilmiga, nidaamka, siyaasada, falsafada iyo hab-dhaqankii guud ee dhexdooda iyo sida loo maareeyay xidhiidhka ay la lahaayeen dadyowga kale ee aan haysan diinta Islaamka. Diinta Islaamku waa diin ku sifowday dhamaystirni, cadaalad iyo la jaan-qaadka wakhti kasta iyo meel kasta, maadaama ay tahay diin Waxyi ku soo degtay, tahayna xeerarka iyo xukumada Ilaahay (swt) u dajiyay adoomihiisa, farayna inay u fuliyaan sida ay u dhigan tahay. Aqoonyahanada reer Galbeedku waxay go’aansadeen inay Islaamka kaga daydaan isla markaana kula tartamaan waxyaabo badan sida cadaaladda, sinaanta, arrimaha xuquuqda haweenka iyo habka guud ee maamulka. Tartankani wuxuu dhaliyay in ay la yimaadaan waxyaabo kale oo dheeraad ah iyagoo u haysta in korodhka iyo qodobada dheeraadka ah ee ay keenaan u horseedi karo libin ay ka soo hooyaan tartankan. Xurmaynta haweenka iyo soo bandhigida xuquuqdoodu waxay ka mid ahayd waxyaabihii laga xigtay dadyowga Islaamaka ah, ka badbadinta xuquuqdanina waxay sababtay dhibaatooyin hor leh. Sannadku markuu ahaa 1995 ayaa shirweyne -Beijing Conference-lagu qabtay magaalada Beijing ee caasimada wadanka Shiinaha, waxa lagaga hadlay haweenka iyo xuquuqdooda. Nasiib darro, qodobadadii la go’aamiyay waxay noqdeen kuwa dhabar-jab ku ah doorka haweenka, isla markaana liddi ku ah abuurkooda. Qodabadii lagu go’aamiyay shirweynahaa waxa ka mid ahaa:
- in haweenku ay helaan xirriyad buuxda, isla markaana dhinac walba kala siman yihiin ragga, xataa dhinaca soo xeraynta maaliyada qoyska.
- In ay u banaan tahay haweenka inay iyaga dhexdoodau is- guursan karaan.
Shir-weynahani wuxuu noqday mid aad looga hadlay isla markaana ka cadhaysiiyay dunida Muslimka iyo in badan oo ka mid ah aqoonyahanadii reer galbeed ee aan Islaamka ahayn. Waxaana laga dayriyay inuu yahay halaagid iyo baabi’in bulsheed.