Tuesday, February 5, 2013

Qiso Islaamida Dr. Garry Miller


Garry Miller:
Waa bare sare oo wax ka dhigi jiray Jaamacadda Al-Malik Fahad Petroleum University, waxa uu dhalasho ahaan  ka soo jeedaa waddanka Kanada.  Waxa uu ahaan jiray baaderi weyn oo dadka ugu yeedha diinta Kiristaanka, haatanna waxa uu dadka ugu yeedhaa diinta Islaamka isagoo wacdi iyo dacwad la dhex socda dhamaan gobolada Kanada. Miller isagoo la hadlaya dad muslimiin ah mar waxa uu lahaa:
“Dadyahow haddad ogaan lahaydeen waxa ad ku sugan tihiin iyo waxa ay dadka kale(kuwa aan Islaamka haysan) ku sugan yihiin in badan baad ugu mahad-niqi lahaydeen Ilaahay inuu idinka beeray tafiir Muslina, idinku barbaariyay xayndaabka islaamka iyo diintan sharafta leh. Ilaahnimada, rasuulnimada, xisaabta aakhiro, Qiyaamaha iyo Waxyiguba macneyaal kale ayay leeyihiin diimaha kale dhexdooda”.
Qisadii Islaamiddiisa:
Waxa uu aqoon badan u lahaa kitaabka Bible ka waxa aanu inta badan aad u isticmaali jiray hab xisaabeedka la yidhaa Logics isagoo ku caddayn jiray saxa iyo qaladka waxa uu la kulmo.
Isagoo haysta diinta Kiristaanka aya wax uu maalin damcay inuu dadyowga Muslimka ahna ugu yeedho diintiisa kuna qanciyo inay ku soo biiraan. Waxa uu damcay inuu Quraanka akhriyo siuu uga raadiyo qalad uu hor-dhigo dadka Islaaamka ah ugana dhigo daliil uu ku dhaliilayo diinta Islaamka. Waxa uu filay in Kitaabka Quraanku noqdo buug duug ah oo la qoray 14 qarni ka hor, isla markaana ka hadlaya noloshii iyo dhacdooyinkii waaggaa. Waxa uu soo ogaaday in Quraanku ka duwan yahay dhamaan kutubta diimaha kale. Waxa uu filayay inuu la kulmo dhacdooyinkii Nebiga-CSW ku dhacay ee xanuunka lahaa sida geeridii Khadiija bint Khuweylad-RC- iyo geeridii ku timid ubadkii Rasuulka lakin lama uukulmin wax ka hadlaya dhacdooyinkaa. Waxyaabaha aadka uga yaabiyay sida uu sheegayo waxa kamid ahaa inuu lakulmay suurad dhan oo Quraanka ka mid ah oo loogu magac daray Maryam- RC, iyado lagu sharfayo kana hadlaysa qisadii Maryam iyo Nebi Ciise- nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Xataa kitaabka uu hore u haystay ayaanu ku arag qaabkan. Sidoo kale waxa uu ka raadiyay oo uu waayay suurado loogu magac daray Caasha iyo Faadumo labadaba Allah ha ka raali noqdee. Waxa uu helay 25 jeer oo magaca  Nebi Ciise-CS-  lagu sheegay Quraanka halka uu magaca Nebi Muxamed naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee lagu sheegay afar meelood.
Prof Miler waxa uu sheegay in tiirarka ugu waaweyn ee cilmiga hadda loo isticmaalo ay ka mid tahay mabda’a  Falsification Test oo ah habka raadinta ceebaha iyo dhalleecooyinka ay leedahay fikrad kastaa ilaa la xaqiijinayo inaanay wax ceeb ah lahayn lana isticmalaikaro. Waxa uu aad ula yaabay Quraanka Kariimka ah oo ka helay aayado ku dhiiri-galinaya dadka muslimka ah iyo kuwa kaleba inay aad u baadhaan kitaabka looguna awood sheegtay in aaan intay doonaan haday joogaan ka heli karin, waayo waa hadalkii Ilaahay. Ma jiro dunida qoraa -intuu doono khibrad ha lahaado, intuu doono ha ku noqnoqdo, inta uu doono hala tashado- odhan kara kitaabka aan qoray waa sax 100% cid qalad ka heli kartaana ma jirto. Qoraa kastaa marka uu dhamaystiro hir-galinta iyo daabicida buuggiisa waxa uu ka dalbadaa akhriyayaasha in wixii qaladaad ay ku arkaan ay u soo gudbiyaan si uu u saxo daabacaadaha danbe. Lakin Ilaahay wax uu inagu dhiiri galinayaa inaynu aaad ugu fiiirsano oo dhuuxno macnaha Kitaabkiisa.
Mr. Miler wax uu leeyahay: “ Bal u fiirso waxay nagu odhan jireen (baadareyada diinta masiixigu) sheydaanka ayaa Nebi Maxamed- csw- ku akhriyay Kitaabkiisa, hadana kitabka dhexdiisa waxaan ku arkay meelo badan oo cadaynaya inaanu awood u lahayn soo dejinta Quraanka, (suuratu Ashucaraa’ 210-212). Sidoo kale suuratul Naxli aayada 98aad ayaa iyaduna faraysa Nebiga Iyo muslimiinta inay iska naaraan sheydaanka marka ay akhriyayaan Quraanka. Waa yaab, ma sheydaanka ayaa inta uu kitaab keeno hadana kitaabkiisa ku sheegaya in la iska naaro?!”
Dr. Miler isagoo istcimaalaya isla mabda’a Falsification Test, waxa uu leeyahay: waxan aad ula yaabay Quraanka iyo awooda saadaalineed ee waxyaabaha dhici doona, iyo sida ay mucjisada u tahay, waxa uu tusaale u soo qaatay qisada Abuu Lahab.  Abuu Lahab waxa uu ahaa nimankii sida wayn uga soo hor-jeedsaday diinta Islaamka xilliyadiiay soo baxday isagoo mar kasta beeni jiray Nabiga naxasiirta Ilaahay iyo Nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee, isla markaana aflagaado iyo beenayn la daba socday. Hadaba marki ay soo degtay suuratu Allahab, oo sheegaysa in Abuu lahab uu Naarta gelayo, taas oo macneheedu yahay in aanu Islaamayn inta noloshiisa ka hadhsan. Waxyaabaha aadka u layaana leh waxa k mid ah, in Abulahab uu sii noolaa 10 sanno kadib markii ay suuraddani soo degtay. Hadaba yaa u sheegay Nebiga wax dhici doona, sidee ayuu Nebigu CSW u hubay in 10 ka sanno aanu marna ninkani ku dhaqaaqi karin. Waxa halkaa ka cad in Quraaku ka yimid dhinaca Alle oo og waxa maqan iyo wax soo socdaba.
Waxyabaha kale ee mucjisada ah waxa k mid ah, in Quraanku sheegay in Yuhuudu ay yihiin dadka Muslimiiinta ku haya cadaawada ugu daran (suuratul Maa’idah, 82), iyadoo ay cadaawadani socoto ilaa maanta, oo aynu aragno in dhibta ugu badani Musimiinta kasoo gaadho dhinaca Yuhuudda, isla markaana ay yihiiin dadka ugu neceb Islaamka iyo Muslimiintaba.  Yuhuud waxay haysteen 14 qarni oo aanay marna si fiican ula dhaqmin Muslimiiinta si ay ugu dooodaan in laga been sheegay habka ay ula dhaqmaan Muslimiinta. Miyay beenin karaan waa waxa caddeeyay waxyi ka yimid Midka og wax maqan iyo iyo waxa joogaba, Ilaaha ka war-qaba wax kasta oo dhici doona!!?
Mar kale ayuu dr. Miler waxa uu ka waramayaa waxyaabaha uu ku arkay kutubta diimaha kale ee uu akhriyay,:  ma jiro kitaab u dhow ka Quraanka, marka la eego diimaha kale, waxay ku siinayaan war-bixin iyagoo kuu sheegaya halka ay ka timid ee laga keenay. Tusaale ahaan, kitaabka Bible ku, marka uu ka hadlayo qisooyinka dadkii hore, waxa uu ka sheekaynayaa, boqor hebel la odhan jiray iyo meesha uu ku noolaa, dgaalayahan magacii iyo inta dagaal ee uu ku guulaystay, suldaan meel maamulayay iyo inta ubad uu dhalay iyo magacyadooda, iwm.  Sdioo kale kitaabka Bible ku waxa uu dhacdo kasta ku tusayaa tixraac(reference) ku tusaya meesha laga soo guuriyay war-bixintaa. Lakin Kitabka Quraanku waxa uu kusiinayaa xog buuxda oo aanad meelna ula noqonayn, sidoo kale waa xog cusub oo aan hore loo hayn, isagoo uga war bixinaya qaab aanay keeni karin maskaxda aadamuhu.
Allaa mahad leh naga dhaliyay qoys Muslin ah, isla markaan nagu barbaariayay deggel iyo dad Islaam aha dhexdood. 
by Abdalla Sa'ad .

 .