Wednesday, January 6, 2010

Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda. Qaybtii 7aad.

Xaqa iy doorka inanta:
Islaamka ka hor, aad ayay u kala duwanaayeen fikradaha ku saabsan xuquuqda dumarku, waxaase ay ka sinnaayeen, in dhamaan ay ku tunteen xaqa inanta. Waxana ay kolba ku xidhnayd maamulka casrigaa jiray, meelaha uu ka talinayay iyo dhaqanada kala duwanaa ee ay kala haysteen dadyowgii waayadaa aduunka ku noolaa.
Xeerarkii Hindidii hore oo la odhan jiray (xeerarkii Maanuu), waxay dhigayeen in gabadhu ayna xaq u lahayn inay ku kacdo fal rabitaankeeda ah, xataa hawlaha guriga, waxanay mar kasta ku hoos noolayd rag, hadii uu saygeedu ka dhintona wey raacin jireen oo iyana la gubi jireen iyadoo nool.
Boqor la odhan jiray Xamuraabi oo ka talin jiray dhulkii waagaa la odhan jiray Mosepotamia, dhulka haatan ay degan tahay dawlada Ciraaq, ayaa waxa uu lahaa hab sharciyeed oo ku magac dheeraa Xeerarkii Xamuraabi (The Code of Hamurabi). Marka aynu soo qaadano xeerarka uga yaalay haweenka, waxay ahaayeen kuwa aad uga horumarsanaa marka la barbar dhigo kuwii ka horreeyay. Gabadhu waxay lahayd meher laga bixinayo, xataa marka la furo waxa lagu xukumi jiray ninka gabadha furay inuu siiyo lacag ganaax ah. Dhaliilaha a lahaayeen xeerarkani waxa ka mida haa iyadoo ninka lo ogolaa inuu gabdhiisa u bixin karayo rahan ahaan, marka deyn lagu yeesho inta uu deynta iska bixinayo. Sidoo kale gabadhu may lahayn awoodda ay wax ku iibin karto, iibsan karto, waxna ku kirayn karto.
Dhinaca Giriig ga, dadku waxay u qaybsanaayeen dabaqado, dabaqada koowaad waxay ka koobnayd dadka talada haya, dabaqada labaadna waxay u gaar ahayd ganacsatada, halka dabaqada sadexaad ay ka aheyd dabaqada addoomaha. Gabdhuhu waxay ahaayeen meel u dhaxaysa ganacsatada iyo addoomaha, kolba ka gursada ayuun baana lagu tirin jiray xoolahiisa.

Sidoo kale ayaa Boqortooyadii Rooma na ay dumarku ugu hoos noolaayeen iyagoo aan haysan wax xaq ah, waxaana kolba lagu tirin jiray maalka iyo xoolaha qofka gacanta ku haya. Inkastoo waayadii danbe ee boqortooyadan ay gabadhu awood u lahayd inay ka hoos baxdo lahaanshaha ninka iyadoo lagu xidhayay inay horta dhasho saddex wiil iyo wax ka badan.

Marka aynu soo qaadno Yuhuudda, iyagu waxay gabadha ula dhaqmi jireen si aad u naxariis daran, kana xun sidii Hindida, Roomaanka iyo Giriiga ba. Marka loo baahdo guurna gabadha waa la soo iibsan jiray. Sidoo kale ayaa dayowgsa Kiristaanka, iyagana dhaqankoodu u dulmiyay dumarka waayadii ugu horaysay, iyo xilliyadii ay bilaabantay Kaniisada Kiristaankuba.

Carabta ayaa iyaguna Islaamka ka hor waxay lahaayeen dhaqan xun oo xaqirayay gabadha waxaanay aasi jireen gabdhaha oo nool, iyagoo ka baqaya ceeb iyo faqrinimo, sida uu Quraankuba cadeeyay.

Hadaba diinta Islaamku markay soo baxday waxay dumarka siisay Xuquuq badan oo aanay marna gabadhu ka heli karin nidaam kale oo aan ahayn ka Islaamka. Waxa uu cadeeyay Quraanku in dumarka qaarkood ay ka saamaeyn badan yihiin ragga, kana gudan og yihiin waajibka saaran, sida qisada Maryam Bint Cimraan, oo dhashay Nebi Ciise-cs- iyada oo uu Rabbi ka dhigay daahir kana doorbiday dumarka kale.

Inantu waxay xaq u leedahay in aabbeheed si fiican u barbaariyo, wanaajiyana la dhaqankeeda. Islaamkuna wuxuu ugu abaal-guday Janno aabbo kasta oo wanaajiya xidhiidhka inantiisa, u barbaariya si fiican, una sabra meel-marinteeda iyo ku xidhideeda inay guddo xaqa uu Ilaahay ku leeyahay.
Nebiga-csw- ayaa laga weriyay in uu yidhi, ninka si fiican u barbaariya laba hablood ilaa ay qaan-gaadhayaan Qiyaamaha waxanu isku nahay sidaa –isagoo tilmaamaya labadiisa farood oo isku duuban.
Xadiis kale ayaa Caa’isha-rc- waxay werinaysaa in Nebigu-csw- yidhi: “ninka lagu jirrabo hablo, ee wanaajiya, waxay xijaab uga noqdaan Naarta”.
Xadiisyadan ayaa waxaynu ka akhrisan karaynaa in habluhu ay yihiin nimco lagu hamiyo inay kuu dhashaan, maadaama aynu hayno abaal-gud loogu bushaareeyay nin kasta oo ka soo baxa xilkooda barbaarineed. Islaamkuna waxa uu ina tusayaa inanta iyo halka ay kaga taalo aabbeheed, waxaana lagu dhiiri gelinayaa aabbeyaasha inay xoogga saaraan ku tabcida hablaha iyo daryeelkooda. Nebigu-csw- waxa uu ka hadlay kaalinta ay ugu jirtay inantiisa Faadumo-rc- waxaanu yidhi: “Faadumo waa qayb iga mid ah ninka ka cadheysiiyaa, anigana wuu iga cadheysiiyay”.
Sida aynu kor ku sos sheegnay xaqa ugu horeeya ee ay inantu leedahay waa in si fiican loo barbaariyo laguna ababiyo dhaqanka suuban ee diinta Islaamka. Intaa ka sokow inantu waxay xaq u leedahay wabarasho iyo ka qayb-qaadasho horumarka bulshadeeda.
Maamulida aabbaha ee inantiisu ma dhaafsiisna xadka ah edbinta iyo rabaynteeda, iyo dhiirigelinteeda ku dhaqanka diinta Islaamka. Waxa loo dhaqayaa sida walaalkeed, waxa la farayaa tukashada markay todoba sanno gaadho, sidoo kale ayaa toban jirkeeda ay tahay in la garaaco haday salaada ka tagto.
Hadii ay jirto hanti ay gaar u leedahay inantu, aabbuhu xaq uma laha dhex-galka hantideeda, wixii aan ka ahayn hagid iyo tusaalayn dhinaca wanaagsan ah.

xaqa waxbarashada:
Waxbarashadu waa ku waajib dhamaan xubnaha bulshada Muslimka ah, lab iyo dhedig yar iyo weyn, maadaama ay caqiidadeenu ku dhisan tahay cilmi iyo aqoon. Sidoo kale ayaa cibaadada iyo gudashada waajibaadka Ilaahay ay dhamaan u baahan yihiin in qofku aqoon u yeesho sida loo gudanayo. Waagii Nebiga-scw- dumarku waxay ahaayeen kuwa ka qayb qaata barashada Islaamka, kulana tatamayay ragga, iyagoo aan isku dhex baahin ragga ee ku dedaalaya in ay iyaguna gaar u raadsadaan cilmiga, sida aynu ka dheehan karno xadiiskan:
Abii Saciid Alkhudri ayaa laga weriyay inuu yidhi gabadh ayaa u timid Nebiga-csw- iyadoo ku tidhi: “Rasuul Allow, raggii baa qaatay wakhtigaaga intii badnayd, markaa noo qabo maalin aanu kuu nimaadno si aad noo barto waxii Allah ku baray”. Nebigu waxa uu u cayimay maalin gaar ah iyo meel gaar ah, isagoo markii ay u yimaadeen baray wixii Alle baray.
Cilmigu diinta Islaamka dhexdeeda wuxuu u qaybsamaa laba qaybood:
1. Aqoon ay tahay qof kastaa inuu barto, rag iyo dumarba, waana cilmiga kuu sahlaya qofku inuu barto kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha. Cilmigani waa mid waajib ku ah qof kasta oo Islaam ah.
2. Aqoon si guud waajib ugu ah bulshada, waana in mar kasta bulshada dhexdeeda laga helaa dad bartay oo aqoon u leh cilmigani. Aqoonta noocani ah waa barashada cilmiga sayniska iyo cilmiyada kale ee lagama maarmaanka ah. Tusaale ahaan, bulshada dhexdeeda waa in laga helaa dhakhtaro, injineero iyo aqoonyahano saynis. Hadii in bulshada ka mid ahi barato cimigan, inta kale wuu ka dhacayaa waajibnimadii barashadiisu.
Hadaba qaybta koowaad ee cilmigu waa ku waajib dumarka, oo waxay kala siman yihiin ragga, lakin qaybta labaad hadii la helo aqoon u leh, oo ku filan bulshada, dumarka wuu ka dhacay waajibnimadiisii.

Inta ay jirtay taariikhada Islaamku waxa ka soo dhex baxay, haween badan oo ku xeel-dheeraadaay qaar ka mid ah laamaha aqoonta ee diinta Islaamka, tusaale fiicanna u noqday intii ka danbaysay. Caa’isha Bint Abuubakar-rc- oo ka mid ahayd hooyooyinkii Muslimiinta ayaa waxay ahayd qofka ay kula laabtaan in badan oo Asxaabtii Rasuulka ahi arrimaha ugu adag, waxa laga kaasha jiray xadiisyada, akhriska Quraanka Kariimka ah iyo aqoonta Quraanka. Sidooo kale ayaa Kariima Bint Axmed ay aheyd mid ka mid ah dadka soo weriyay kitaabka Saxiixul Bukhaari, oo ah kitaabka labaad ee diinta Islaamka, marka laga reebo kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Shaqada gabadha:
Hawsha gabadha Islaamka ahi ma ay ahayn mid ku kooban guriga, waayo, marmarka qaar dumarku waxay ragga ka caawin jireen hawlaha raadinta nolol-maalmeedka. Waxa ay dumarku ka qayb qaadan jireen gudashada Cibaadada, sida salaadaha, iyadoo qaarkood ay lahaayeen xirfad shaqo sida tolista dharka. Arrinka ugu muhiimsanina waxa uu ahaa in aanay isku sii dhex dayn ragga lakin horumarka bulshada aad bay uga qayb qaadan jireen.

Sidoo kale ayaa dumarku ay ka qayb qaadan jireen jihaadka iyagoo doorkoodu ahaa waraabinta ciidanka, dawaynta kuwa dhaawacan iyo gurya ku celinta kuwa shahiiday. Dumarku waxa ay qayb laxaad leh ka qaadan jireen guubaabinta ciidanka Muslimiinta iyo dhiiri-galintooda, iyagoo la diyaarin jiray qalabka dagaalka sida hubka iyo fardaha.

Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illayn geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen.
Hadraawi

Hadaba maadaama ay haweenku ka soo qayb qaadan jireen hawlaha bulshada, ayna aheyd wax aan hadal ka iman, maxaa keenay in culimo badani ay aad uga soo horjeedsadaan shaqada haweenka wakhtigan la joogo, ayna noqoto wax la isku khilaafay dunida Muslinka ah dhexdeeda?
Jawaabta su’aashani waxa ay tahay, waxa keenay dhibaatooyinka ka dhashay shaqada dumarka ee wakhtigan, gaar ahaan bulshoooyinka reer Galbeedka iyo sida ay ugu sacab tumayaan in dumarku ay u dareeraan shaqo nooc kasta ah.
Haddaba dhaqannada xunxun ee soo kordhay iyo dhibaatooyinka ku cusub bulshada Muslimka ah waa kuwa saameeyay heerkii bulsheed, kii akhlaaqeed iyo kii maaliyadeed ee bulshadaba, waxaana ka mid ah:
1. Dareemidda ay inantu dareemayso inay madax-banaan tahay waxa uu ku dhaliyay inay ka maaranto guurkii, si ay iskaga sii madax-banaanaato. Tanina waxay kordhinaysaa halista ka iman karta guur la’aanta.
2. Inanta dibada ka shaqaynaysaa waxay ka wahsanaysaa gudashada waajibka saygeeda iyo caruurteeda ka saaran. Waxa batay burburida qoysas badan oo muslim ah arrinkan daraadeed.
3. Shaqooyinkani waxay kordhiyeen fursadihii ay iskugu dhex-darsami lahaayeen labada jinsi. Arrinkani waxa uu kordhiyay faafida sinada iyo dhaqano kale oo xunxun, sida burburka dhaqankii bulshada.
4. Haweenka u soo dareeray waxay keeneen yaraansho shaqadii dhalinyartu qaban lahayd. Arrinkani waxa uu keenay shaqo la’aan ku baahday bulshada dhexdeeda. Iyadoo saamayn ku yeelatay dhamaan xubnaha bulshada.
5. Soo if-bixidda dhaqano cusub oo aan hore u jiri jirin, sida xoogga saarida quruxda inanta, iyadoo hablaha aan loo eegayn kartidooda iyo aqoontooda, lakin la tix galinayo quruxdeeda iyo dheeheeda.

Waxa aynu odhan karnaa waxa la isku khilaafay maaha shaqada dumarka lafteeda, ee waxa ay tahay waayitaanka jawi ku haboon hawlihii ay dumarku qaban lahaayeen si ay uga qayb-qaataan horumarinta bulshadooda, mar hadii aan loo eegayn u qalmida hawsha iyo awoodeeda, wax shardi ahina aanu ku xudhnayn nooca shaqada ee ay tahay inay ku dhaqaaqdo.

Diinta Islaamku way jidaysay shaqada mid kasta oo ragga iyo dumarka ahba. Ragga waxa la faray in uu ka soo shaqeeyo guriga dibediisa, si uu ugu soo dhidido baahiyaha qoyska, halka gabadha iyana laga furtay shaqadan, iyadoo baahideeda dusha loo saaray aabbeheed, walaalkeed iyo saygeeda kolba mid. Sidaa darteed shaqada gabadha waxa laga dhigay hawsha guriga, barbaarinta ubadka iyo dhamaystirka baahiyaha qoyska ee guriga dhexdiisa.

Ragga Ilaahay waxa uu waajib kaga dhigay inay shaqaystaan, oo xoogsadaan si ay u gudaan masuuliyada dusha u saaran, lakin dumarku waxa ay shaqo u bixi karaan marka ay lagama maarmaan noqoto oo kaliya, sida hadii ay waydo cid damaaanad qaada baahideeda, ama qofkii masuuliyadeedu saarnayd ay gudan kari waydo. Diinta Islaamku waxay u dhigtay shuruudo Marka ay gabadha u banaan tahay inay ka qayb-gasho shaqo, waana inay buuxiso, shuruudahaasi si ay shaqadedu u noqoto mid meel mar ah.
Shuruudaha ku xidhan shaqada gabadhu waa:
1. Inay ahaato shaqadani mid la jaan-qaadi karta abuurka inanta iyo takhasuskeeda, ee aanay noqon mid ku sii dhex daynaysa inanta meelo badan oo ay ka dhowrsoonayd, guriguna uga fiicnaa.
2. In aanay shaqadani keenin ka hayaamidda shaqadii lagama maarmaanka ahayd ee gabadha, sida hooyanimada, ilaailinta ubadka iyo daryeelida qoyska.
3. In shaqadani tahay mid ka dheer inay gaar isku noqdaan inan iyo wiil, si looga hor-tago fitnada ka dhalan karta kulankooda.
4. Inay ka qayb qaadato shaqadeeda iyadoo asturan, dhowraysana socodkeeda, hadalkeeda iyo dhaqaaqeedaba.
5. Inay shaqadani ahaato mid banaan dhinaca sharciga. Ragga iyo Gabdhaha midna uma banaana inuu u shaqo tago meelaha ka soo horjeeda dhaqanka Islaamka, sida baararka iyo meelaha lagu kala iibsado waxyaabaha xaaraanta ah sida khamriga.