Thursday, December 10, 2009

Xuquuqda haweenka iyo doorkooda. Qaybtii 6aad.

Xaqa iyo doorka Hooyada:
Lama hayo taariikhda diin ama nidaam kale oo u tix-geliyay hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-gelisay, iyadoo u aqoonsan inay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo, isla markaana leh xaqa ugu badan ee aan qofna gudi karin. maxaa yeelay, hooyadu waxay soo martaa dhibaatooyin badan oo ay kala kulanto calool-ku-qaadida, sidista, hawsha iyo xanuunka dhigitaanka ama foosha iyo barbaarinta ilmo kasta.
Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame-Hadraawi- oo in badan ka gabyay hooyada iyo doorkeeda ayaa tixdiisa “Anuun baa hooyadaa ah” waxa uu ku soo qaataa siday ugu dhabar-adaygaan hooyooyinku dhibta hooyanimada iyo hawleheeda, wax uu yidhi isagoo ku hal-qabsanaya hooyo la hadlaysa wiilkii ay dhashay:

Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey

Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay

Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey

Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday

Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga

Diinta Islaamku waxay aad u adkeysay isla markaana ku dardaaarantay, xaqdhawrida iyo u sama-falida waalidka gaar ahaan hooyada, iyadoo aayado badani ka hadleen xaqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay la kulanto hooyadu, sidaa darteed xaqa hooyada ayaa aad looga adkeeyay ka aabaha, sida ku cad suuratu Luqmaan-aayada 14aad- iyo suuratul Axqaaf-aayada 15aad- u sama-falka waalidku waxa uu ku derajo xigaa caabudida Ilaahay.
Xadiisyada ku soo arooray xaqa hooyadu aad bay u badan yihiin, waxanse ka soo qaadanaynaa dhawr ay ka mid yihiin:
Nin ayaa u yimid Nebiga-csw- isaga oo weydiinaya," yaa iigu mudan dadka inaan u sama-falo?" Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay," Hooyadaa", ninkii waxa uu hadana weydiiyay "yaa ku xiga?" Nebigu-csw- waxa uu ku jawaabay "Hooyadaa", ninkii waxa uu mar labaad ku celiyay "yaa ku xiga?" Nebiguna waxa uu ugu jawaabay,"Hooyadaa", ninkii mar sadexaad ayuu ku celiyay " yaa ku xiga?" markaas ayuu Nebigu ugu jawaabay "Aaabahaa".

Nin ayaa ku dawaafayay Kacbada isagoo dusha ku sida hooyadii oo uu dawaafsiinayo, markaas ayuu Nebiga weydiiyay "Rasuulkii Ilaahayow, ma guday xaqeedii?", Nebigu waxa uu ugu jawaabay " maya, xataa maad gudin mid ka mid aha hinqashooyinkeedii". xadiiskanina waxa uu cadeynayaa in inta waalid loo sama-falaa aanay marna waxba ka gudayn xaqa uu kaa mudan yahay, ee aynu ka garan karayno culayskisa inta aayado iyo axaadiis ka hadlay. Sidoo kale ayaa Abwaan Careys Ciise gabaygiisii “Hooyadu waa lama huraan”, uu ku lahaa”

Hantida aad leedihiyo
Wixii aad haabataa
Haddii loo siiyo hibo
Abaalkood lama helee
Hooyadu waa lama huraan

Nin ayaa isna u yimid Nebiga isagoo ku yidhi, "Rasuul Allow, waxaan rabaa inaan ka qayb qaato duulimaadyada Islaamka, markaa waxaan u socdaa inaad ila taliso". Nebigu waxa uu ninkii weydiiyay inay nooshahay hooyadii, ninkii waxa uu ku jawaabay, "haa", dabadeed Nebigu waxa uu ku yidhi, "u sama fal hooyadaa, Jannadu waxay hoos taalaa lugaheeda.

U sama falka hooyada waxaan uga jeednaa wanaajinta la dhaqankeeda, xaq-dharkeeda, u furfurnaanta iyo u debecsananaanteeda, ku adeecideeda wixii aan ahayn macsiyo- ama denbi- iyo la socodsiinta iyo weydiisashada ogolaansheheeda dhamaan hawlaha aad ku kacayso, xataa hadii aad u baxayso Jihaad, waa inaad ogolaansho ka heshaa.

Waxyaabaha aadka u layaabka leh waxa ka mid ah, in diinteenu Islaamku ay ina farayso in loo sma-falo hooyada, xataa hadoo hooyadu tahay mid aan haysan diinta Islaamka, isagoo Nebigu-csw- faray Asmaa Bint Abubakar inayu sama-fasho isla markaana si fiican u xudhiidhiso hooyadeed oo aan ahayn Msuslimad.

Islaamku si uu u ilaaliyo hooyannimada xaqeeda iyo dareenkeedaba, waxa uu cadeeyay in hooyada la furay ay xaq u leedahay haynta iyo xananaynta ilmeheeda, ayna ka mudan tahay iyadu aaabaha dhalay ilnahaasi, sida ay dhigayaan qisooyinkani:
Sida uu werinayo Cabdilahi bin Cumar bin Caas-rc- gabadh ayaa u timid Nebiga-csw- iyadoo ku doodaysa in inankeedii ay dhashay, ee ay caloosha ku qaaday, ee naas nuujisay, uu aabihii oo iyada furay rabo inuu ka qaato. Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay,”adigaa ku xaq leh inta aanad guursan”.
Sidoo kalea ayaa Cumar Bin Khadaab-rc- waxa uu furay xaaskisii Ansaariyadda ahayd ee u dhashay wiilkiisii Caasim. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cumar uu kula kulmay suuq ku yaala meel u dhaxaysa Madiina iyo Quba, iyadoo wadata inankeediina. Cumar waxa uu isku dayay inuu ka qaato wiilkiisa, waanu ka qaatay, kadib wiilkii yaraa waa uu ooyay, waxaanu ku yidhi,”Aniga ayaa kaa mudan wilkayga”. Markii ay ku murmeen ayaa waxa la iskula tagay Abuubakar, si uu ukala xukumo. Abuubakar waxa uu go’aamiyay in wiilka ay xaq u leedahay hooyadii, waxaanu u sheegay Cumar in gurigeeda iyo gogosheeduba ay uga fican yihiin wiilka, inta uu korayo ee u gaadhayo heer uu kala dooran karo.

Hooyadu waxa ay leedahay xaqa ugu badan ee qof leeyahay, mana banaana in lagu kaco fal aanay raali ka ahayn, xataa hadii uu qofku dan u arkayo falkaa. Tusaale ahaan, hadii ay hooyo ka dalbato wiilkeeda inuu furo xaaskiisa oo uu jeclaa, waaa inuu furaa isagoo tix-gelinaya hooyadii, door-bidayana raali-ahaanteeda. Xadiis uu werinayay Abu Dardaa’ ayaa waxa ka hadlaya nin weydinaya waxa la gudboon, kadib markii hooyadii weydiisatay inuu furo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Waxa uu kula taliyay inuu iska furo, madaama ay adeecidda hooyadu ka horeyso wax walba, uuna Nebiga ka maqlay isagoo ka hadlaya xaqa waalidka.

Tuesday, December 1, 2009

Xuquuqda haweenka iyo doorkooda. Qaybtii 5aad.


Ilaalinta Islaamka ee haweenka.
Diinteena Islaamku waxay tix-gelisaa dhedignama gabadha, waxaanay u aqoonsan tahay inay tahay waax dhamaystiraysa ninka, sida uu ninkuba u dhamasytirayo gabadha. Ilaahay(SW) wuu habeeyay khalqigiisa, waxaanu u jideeyay inay ahaadaan lamaaneyaal (pairs), si ay isku dhamastiraan, waxaana lamaaneyaashan lagu arkaa dhirta iyo xayawaanka oo u nool qaab lab iyo dhedig ah, sidoo kale ayaa in badan oo ma-noolaha ahi ay ugu jiraan hab laba danab-charges- mid togan(positive charge) iyo mid taban(negative charge), si looga faa’iidaysto iyagoo wada jira.
Sidoo kale ayaa gabadha loo sameeyay qaab iyo astaamo ay ku soo jiidan karto lamaaneheeda ninka ah, iyadoo labadaba uu Rabbi ku abuuray hammo iyo hamuun uu midiba u qabo la noolaanshaha iyo helitaanka ka kale, si ay u tarmaan, una waaro jiritaanka aadamuhu.
Diinta Islaamkuna waxay aad uga soo hor-jeedaa wax kasta oo ka hor-imanaya jidkan ama keenaya isku darsan iyo is dhex-gal ragga iyo dumarka ah, waayo gabadhu maaha nin, lakin waa qayb dhamaystiraysa ninka iyana u baahan in la dhamystiro. Sidaa daraadeed ayaa loo baneeyay guurka oo ah aasaaska qoyska, iyadoo dhamaan diimihii soo degay ay ka midaysnaayeen mamnuucida sinada iyo falalka kale ee foosha xun, iyadoo la ilaalinayo ragga iyo dumarkaba, lagana dheeraanayo fitnada iyo wax kasta oo bulshada dhabar-jebinaya.

Halka uu Islaamku ka taagan yahay dumarka waxaynu ku soo koobi karnaa dhowr arrimood:
• Islaamku wuxuu ilaalinayaa haweenka si ay u noqdaan ilo naxariiseed, debedsanaan iyo quruxeed. Sidaa darteed ayaa dumarka waxa loo baneeyay waxyaabo laga xaaran yeelay ragga si ay ugu kordhiyaan quruxdooda, sida isku qurxinta iyo qaadashada dahadbka. Sidoo kale ayaa iyadana laga mamnuucay inay isku ekaysiiso ragga dhinaca dhar-qaadashada, codka, socodka iyo dhaqankaba, iyadoo axaadiis soo aroortay lagu nacdalay gabadha isku ekaysiisaysa ragga iyo ninka isku ekaysiiya gabadha, waxa laga digayayna ay ahayd isku milanka hawlahooda gaarka ah iyo dhibta ka imanaysa.
• Islaamku wuxuu ilaaliyay gabadha, waxaanuku dhamaystiray ragga, iyadoo ragga lagu waajibiyay inay quudiyaan isla markaana u dhamaystiraan baahiyaheeda aasaasiga ah, sida cuntada, hu’ga iyo hoygeedaba. Waxa xilkeeda la saaray aabeheed, saygeeda, walaalkeed, inankeeda iyo hadba ragga kii ugu dhaw, waxaana laga ilaaliyay inay baahi darteed u dhex-gasho is xagxagashada suuqa, sida ay yeesho gabadha reer galbeed ee aan haysan wiil, waalid iyo walaal daryeela toona, ee qabanaysa hawl kasta oo loo diro, qiima kasta ha lahaatee.
• Islaamku wuxuu ilaalinayaa dabeecada iyo xishoodka gabadha, iyadoo la tix-gelinayo dhowsoonaanteeda lagana horjoogo halisaha ka iman kara xumaanta gacmaha u heelan helitaankeeda.

Si loo fuliyo arrimahan, isla markaana loo ilaaliyo loona gaadho hadafka ah helitaanka hooyo dhowrsoon oo soo saarta bulsho waxtar leh, diinteenu waxay ku waajibisay dumarka waxyaalaha soo soda.
 Inay qabsato indheheeada, ilaalisana dhowrsoonaanteeda iyo nadaafadeeda, sida ku xusan suuratul Nuur-31.
 Inay xishooto oo qarsato quruxdeeda iyo jidhkeeda, wixii aan ahyn marka ay la joogto ninkeeda iyo inta muxrimka u ah.
 Inay ka dheeraato la keli-noqoshada ragga ajnebiga ka ah, iyo dhex-galkooda, isagoo Nebigu(nnkha) ku lahaa xadiis laga soo weriyay saxaabiga Cabdilahi Ibn Cabaas “Yaanu la keliyoon nin gabadj, yaanay safrina gabadhu hadii aanu muxrim la socon”.
 Inay wanaajiso weedheheeda, hadalkeeda iyo socodkeedaba. Maaha hadalkeedu ceeb iyo cawro toona, lakin waa inay ku hadashaa wax fiican.
 Inay ka fogaato is-qurxinta jaahiliga ah iyo marsashada cadarka ay ula baxayso dibedaha ka durugsan gurigeeda si aanay dareen ugu abuurin ragga ajnebiga ah.

Xukunadan dhamaan waxa Rabbi si cad ugu sheegay Suuratul Nuur-aayadda 31aad-waxaanay xukunadani faa’iido weyn u leeyihiin bulshada guud ahaan gaar ahaan haweenka, waxaan ka mid aha faa’iidooyinkan:
• Ka ilaalinta haweenka ee miciyaha ugaadhsatada u heelan waxyeelayntooda.
• Ilaalinta xishoodka iyo dhowrsoonaanta haweenka iyadoo looga digayo ka leexashada jidka toosan.
• Ilaalinta karaamadeeda iyo nasabkeeda lagana hor-joogo waxkasta oo hoos udhigaya sumcadeeda.
• Ilaalinta gabadhu waa ilaalinta ninka, iyadoo laga hor-joogsaday falalkii xumaa ee uu kukici lahaa oo dhan.
• Samayska qoysas wanaagsan oo laga dheereeyay sababaha kala tagga iyo burburka qoyska.
• Dhawrida ragga iyo dumarka, iyo samayska qoysas wanaagsani waxay hordhac u yihiin hanaqaadka bulsho horumarsan.