Monday, November 23, 2009

Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda. Qaybtii 4aad.

5. Xilalka garsoorka iyo siyaasadda.
Culimo badan- sida Imam Abuu Xaniifah- ayaa waxa ay qabaa in gabadhu ay ka gar-niqi karto isla markaana xukummi karto meelaha ay banaan tahay inay markhaati ka noqoto oo dhan, iyadoo culimo kale oo badanina ay ku khilaafeen.Laakiin banaynta arrintani macneheedu maaha waajibin iyo daruuri ay xukun ridayso gabadhu mar kasta, laakiin waa iyadoo arrinka loo eegayo maslaxadda gabadha, ta qoyska, ta bulshada iyo ta Islaamka guud ahaan. waayo abuurka gabadha, dabeecadeeda sal-fududaydka iyo hab-dhiskeeda ficiltanka ama caadifadda ku dhisan ayaan u ogolaanayn inay ka qar-naqdo xukunada xuduuda iyo qisaasta la fulinayo. Xadka sinada oo kale dumarka inay markhaati ka noqdaan waxa loogu diiday adkaanta ay adag tahay inay si faahfaahsan u sharaxdo waxa ay aragtay, xishoodkeeda daradeeed, sidoo kale way adkaanaysaa inay dhagaysato kiisaska noocan oo kale ah, isla markaana ka gar-naqdo.

Marka ay noqoto xilalka siyaasada, waxaynu ognahay loolanka badan ee ka jira masraxyada siyaasada, iyo is-eedaynta iyo xifaaltanka guud ee ka dhexeeya xubnaha ku jira hawshaa. Sidaa daraadeed dumarka dabeecadoodu uma saamaxayso dhex-orodka arrinkan, waxaana haboon in ay ku dhawrsoonaadaan guryahooda iyo wixii kale ee danta guud ee umadda ah, si ay uga nabad galaan is-xagxagashada siyaasada. Dhinaca kale, diin ahaan iyo dhaqan soomaali ahaanba dumarka waxay leeyihiin tix-gelin iyo mudnaan gaar ah, inta ay hablaha yihiin ee ay ku hoos jiraan gacanta waalidkood iyo inta ay hooyooyinka yihiin ee ay ku hoos-jiraan gacanta raggooda, iyadoo mar kasta lagu dagaalami jiray hir-gelinta arrintan, oo ay gabdhuhu hormood ka ahaayeen waxyaabaha inta ugu badan lagu dagaalamo. Hadaba soo dhex-galida barnaamijyada siyaasada ee dumarku waa arrin ku cusub dunida Muslinka ah, gaar ahaan geyigeena soomliyeed, waxaana inta badan dhidibada u taagaya oo saamayn iyo gacan weynba ku leh fikrado reer Galbeed, kadib markii ay ogaadeen in dhinaca dumarka looga soo dhici karayo dadyowga ku abtirsada diinta Islaamka, iyagoo ku soo dhuumanaya waxa ay ugu yeedhaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha..
Fikirka noocan ahi waa mid aan midha- dhal ahayn isla markaana ay ku hungoobeen dadyowgii haystay, waxaanay dareemeen khasaaraha ay leedahay inanta iyo hooyada u ban-baxaysa suuqyada iyo masraxyada siyaasada, kadib marka laga kaxeeyo xarumahoodii dabeecadda iyo diintuba u ogolayd, sida guryaha, goobaha waxbarashada, cibaadada iyo goobaha caafimaadka oo ay abdikood ka soo qayb qaadan jireen.

Inanta iyo hooyada u soo baxay masraxyada siyaasada labaduba waxay gabeen hawshii ay u hayeen bulshada, isla markaana waxay ka talaabsadeen milgihii suubanaa ee dhowrida dumarka, iyo ilaalinta karaamadooda. Marka aad weydiiso in badan oo ka mid ah dumarka u sacaba-tumaya talooyinka iyo fikradaha reer Galbeedka, hadii ninka iyo gabadha labaduba dibada u baxaan oo shaqo tagaan waa ayo cidda daryeelaysa isla markaasina ka warhaynaysa ubadka? Waxa ay jawaab ka dhigaan in lahelayo hablo ku shaqeeya haynta iyo korinta caruurta, lakin caqliga saxda ahi waxa uu ku siinayaa waxay tahay, hadiiba ay gabadh kale ka shaqaynayso gurigaaga, waxa cad inaanay guulaysan fikradii qaloocday ee la inoo yeedhinayay ee ahayd sinnaanta ragga iyo dumarka, iyo ka soo saarida guryaha, maadaama hawshii dhabta ahayd ee dumarka ay fulinayaan uun dumar kale.

Waxyaabaha ka dhashay fikradan waxa weeyi, ta koowaad, in shaqada dumarka farqiga u dhexeeyaa aad u weynaado, iyaga oo kala raacaya laba shaqo oo labaduba aan midna sax ahayn- midi waa la loolanka ragga oo gurigeedii iyo ubadkeediiba wey gabtay, ta kalena in kastoo ay duruufi sabab u tahay hadana ubad aanay wax xidhiidh ah lahayn iyo guri shisheeye ayay u hoyatay. Arrinka labaad ee ka dhashay fikradani waa iyadoo ubadkii iyo waalidkii-gaar ahaan hooyadii- aanay jirayn xidhiidhkoodii xoogga lahaa ee ku salaysnaa maxabadda iyo is-jacaylka waalidnimo, waayo ilmuhu inta uu yar yahay waxa uu dadka ugu jecel yahay waa hooyadii oo uu dareemayo naxariisteeda iyo jacaylkeeda, islamarkaana hooyada ayaa ilmaha ku beerta xidhiidhka jaceyl ee aabihii, sidaa daraadeed ilmaha waayay hayntii iyo habidii hooyada wey yar tahay intuu dareemayo naxariista waalidka, waxaana ka dhasha caasi waalidnimo iyo waxyaabaha kale ee foosha xun ee ka dhex dhaca dadyowgaa aan haysan diinteena Islaamka. Inkastoo aanay bulshadeenu weli dareemin cidhibta iyo khasaaraha fikradaha galbeedka-arrinka oo innagu cusub aawadeed- hadana hooyada kaga mashquushay ilmaheeda hawlo aan daruuriba ahayn, ayaa waxa badanaaba ay la kulmaan in iyagana marka ay da’noqdaan ay ubadkoodu ka mashquulaan, isla markaana u diraan meelaha lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ee hawl-gabka ah.
Halka aynu ku sugan nahay iyo derajada aynu taagan nahay inteeda badan waa wax aynu ka dhaxalnay awowyaasheen iyo dadkii inaga horeeyay, lakin mustaqbalka iyo halkaynu ku socono iyo weliba in kamid ah xaadirka iyo halkaynu joognaa, waa wax gacanteena ku jira. Sidaa daraadeed, waa inaynu ka digtoonaanaa halisaha ay innaga badbaadiyeen waalidiinteen, waana inaynu guntiga u xidhanaa sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn fursadaha aan gacanta loo qaadin ee horumarineed. Waxaad moodaa in intii la is lahaa dhaafa halkii ay ina gaadhiiyeen intii inaga horaysay inaynu u socono dhinaca kale, inagoo dhex galnay halisaha ay soo dhaafeen dadkeenii hore, sida u dhaga nuglaanta dadyowga aan Islaamka ahayn.

Tuesday, November 17, 2009

Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda. qaybtii 3aad.

2. dhaxalka ninka iyo dhaxalka gabadha:
marka laga hadlayo dhaxalka wiilka iyo ka gabadha waxa ugu badan ee laga hadlaa waa saamiga wiil iy gabadh walaalo ahi ay ka helaan hantida aabohood ka dhintay. Gabadhu waxay ka helaysaa xoolahaa aabeheed saami ah hantida inanku helo nuskeed, si uu inanku u helo hanti u dhiganta saami laba hablood, sida ku cad Suratul Nisaa-11. Waxa cad in qaybtani ay salka ku hayso xilka iyo masuuliyada maaliyadeed ee saaran ninka, iyo sida aanay gabadha xil maaliyadeed marnaba u saarnayn qoorteeda, xataa hadii ay haysato hanti badan oo u gaar ah. hadii uu dhinto aabe, oo uu ifka kaga tago wiil iyo gabadh, wiilku wuu guursanayaa, wuxuu bixinayaa meher iyo waxyaabihii kale ee ku lug leh dhisida guriga, marka uu aqal-galana wuxuu bixinayaa biilka iyo baahida kale ee guriga, halka gabadha ay walaalaha yihiin la guursanayo oo ay qaadanayso meher, marka lala aqal-galana saygeeda ayaa lagu waajibiyay nafaqaynteeda iyo biilinteeda, haba ahaato tu maal badan haysata e.
Tusaale ahaan, aabaha ka tagay $15,000,inanku wuxuu helayaa $10,000, halka ay inantuna ka helayso $5,000. inanku markuu guursado oo uu bixiyo meher iyo hadiyado ku dhaw qiime ahaan $2,500 wuxuu saamigii uu helay ku dhacayaa $7,500, halka walaashii marka la guursado ee ay hesho meher iyo hadiyado u dhiganta tii uu walaalkeed bixiyay uu gaadhayo saamigeedu $7,500, waxaanay la mid noqonaysaa saamigii walaalked. Markaa kadib, ninka waxa saaran quudinta xaaskiisa, caruurtiisa, waalidiintii inta ka nool iyo walaalihiisa yaryar, halka aanay gabadhu waxba ka bixinayn marka laga tago waxay iyadu sadaqad ula baxayso.
Dhinaca kale, saamiga ragga iyo dumarka ee dhaxalku maaha mid joogto ah ama jaan-go’an, mararka qaar ayaa saamiga dumarku la mid yahay ka ragga, sida dhaxalka labada waalid ay dhaxlayaan wiilkooda aan waxba dhalin, iyagoo helaya saami isku mid ah-hal meel ka lix meelood- ama 1/6, maadaama labada waalid baahidoodu isku xidhan tahay. Sidoo kale wiilka iyo gabadhu waxay helayaan saami isku mid ah marka ay dhaxlayaan walaalkood dhinaca hooyo ah, oo aan ka tagin waalid iyo ubad midna, waxaanay qaadayaan hal meel ka lix meelood. Saamigan isku midka ahi wuxuu dhacaa dhaxalka meelo dhawr ah.
Mararka qaarkood waxa dhaca in gabadhu hesho saami ka badan ka ninka, tusaale ahaan, gabadha hantideeda uga tagtay saygeeda, hooyadeed, laba wiil oo ay walaalo yihiin iyo inan ay xagga hooyo oo kaliya ka walaalo yihiin, labada wiil waxay isku helayaan saami u dhigma ka ay heshay gabadhdu -1/6.
Inta badan waxa la soo qaataa qodobkaa labada walaalaha-wiilka iyo gabadha- ah maadaama ay fududahay in dumarka intooda badan loogu celceliyo, ilaa ay qaar u qaataan in xaq ay lahaayeen ka maqan yahay, isla markaana la hoos-mariyay ragga. Qaadashada fikaradanina waxay keenaysaa in qofku aanu ku qancin oo uu saluugo qaybta Ilaahay u qoondeeyay iyo saamigii uu u qaybiyay nimcadiisaba.

3. Magta
In kasta oo aanay jirin aayad Quraan ah oo dhinaca magta ku kala saaraysa ragga iyo haweenku, haddana waxa jira xadiisyo dhowr ah oo ka hadlaya arrinkan, haba la isku khilaafo saxiixnimada iyo silsilada xadiiska e. xadiisyadaa waxa ugu saxsan xadiis laga wariyay saxaabiga weyn ee Mucaad bin Jabal, oo uu leeyahay, “Magta gabadhu waa magta ninka nuskeed”. Maadaama khilaaf ka yimid saxiixnimada xadiiskan, culimada siyaabo kala duwan ayay u xukumeen masaladan, culimada qaar waxay sheegeen in xataa saxiixnimada xadiiskani uu sheegayo uun ijtihaad uu la yimid saxaabigaasi maadaama aanu ka sugin Nebiga-NNKH- waanay banaan tahay in la qaato iyo in kaleba. Culimada qaar ayaa qaba in ay ragga iyo dumarku ka siman yihiin dhinaca magta, mar hadii qofnimadoodii ay isku mid tahay, ku xad-gudubka mid loo geystaana uu keenayo Qisaas iyo cadaabka Alle oo u danbeeya danbiilaha falka geystay. Sidoo kale hadii gabadha loo dilo si aan ula kas ahayn ama gef ah waxa la raacayaa xukunkii marka ninka lagu dilo ula kas la’aan.
Sida raajixa ah ama ay culimada inta badan isla ogolaadeen waa in magta gabadhu tahay ta ninka nuskeed, iyadoo la tix-raacayo xukunadii a fuliyeen in badan oo asxaabta ka mid ahi, sida Cumar bin Khadaab iyo Cali bin Abiidaalib -RC. Waa marka hore e magtu maaha qiimaha qofka la dilay- nin iyo gabadh toona, Ilaahay agtiisana, aad bay u culus tahay dilka loo geysto qof islaam ahi. Magtu waa samirsiin iyo dhaqaale-kab lagu raali-galinayo ehelkii qofka la dilay, si ay uga soo kabtaan waayida xubin ka mid ahayd. Waa tan labaad e kala-soocidani waxay salka ku haysaa doorka mid kasta oo ragga iyo dumarka ahi uu ku lahaa bulshada dhexdeeda, mar hadii doorka ninku uu ahaa soo xeraynta maaliyadda qoyska, maqnaastiisuna ay keenayso dhabar-jab ku yimaada ishii dhaqaalaha ee qoyska, qiimaha kabka dhaqaalaha qoyska uu niku ka baxay wuu ka badnaanayaa, ka la siinayo qoys ay gabadhi ka baxday.
4. Gacan-sarraynta:
Gacan-sarraynta waxaan uga jeednaa maamulka iyo lahaanshaha awoodda fulineed ee qoyska.Ilaahay-SW- ragga ayuu siiyay gacan-saraynta iyo maamulka qoyska, sida ku xusan Suuratul Nisaa-34- waxaana u sabab ah laba arrimood oo midkood Rabbi u hibeeyay ragga midna ay kasbadeen.
• Ragga Ilaahay wuxuu ku manaystay awoodda rogrogida arrimaha iyo u kuur galidooda inta aanu qaadan go’aan, iyo u dhaqanka si degan oo uu ka fikiro cidhibta talaabooyinka uu ku kacayo. Halka dumarku ay leeyihiin habdhis sal-fudud oo si caadifadaysan ula ficiltama dhamaan waxyaabaha soo food-saara.
• Ninku waa aasaasaha ugu horeeya ee qoyska, isaga ayaana bixinaya dhaqaalaha looga baahdo marka la dhisayo qoyska sida meherka. Ninku waa maal-geliyaha guud ee hawlaha qoyska. Sidaa darteed burburka qoysku mar kasta waa burburkiisa isaga ayaana qaadaya masuuliyada, waana inuu kun jeer ka fikiraa inta aanu qaadan go’aan khasaare ku ah oo baabi’inaya qoyskiisa.

Monday, November 9, 2009

xuquuqda haweenka iyo doorkooda. qaybtii 2aad.

Qofnimada Gabadha
Diinta Islaamku waxay soo baxday iyadoo dadka qaar ay inkireen qofnimada gabadha, qaar ay ka shakiyeen, qaarna ay u aqoonsadeen inay ka mid tahay dadka, laakin ay hadana ku qeexeen inay tahay makhluuq loo abuuray u shaqaynta ninka. Waxyaabaha uu la yimid Islaamku waxay ahaayeen maamuusida haweenka, xaqiijinta qofnimadeeda, mudnaanshaha ay mudan tahay masuuliyad, abaal-marin iyo gelitaanka jannada hadii ay fuliso waajibaadkeeda. Islaamku wuxuu ku qeexay gabadha inay tahay qof maamuusan oo leh mid la mid ah xuquuqda uu leeyahay ninku.maadaama ay yihiin laba laamood oo geed kaliya ku yaal, ama laba walaal oo leh aabbo kaliya iyo hooyo kaliya, kuwaasoo ah Aadan iyo Xaawa.

Ragga iyo dumarku waxay ka siman yihiin waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, asalka ay kasoo jeedaan, dabeecadaha guud ee Bani-Aadamka, waajibaadka, masuuliyadda, abaal-marinta iyo halkay ku danbaynayso cidhibtoodu. Ninka iyo gabadha, mid waliba sida uu u fuliyo masuuliyadda saaran ayuu abaal-marinteeda uga helayaa Ilaahay agtiisa iyadoo aan loo kala saarin jinsigooda, ee ay yihiin addoomo Ilaahay, sida ku cad Suuratul-Aal cimraan-195, iyo Suuratu Nisaa’-124.
Islaamku wuxuu waajib ka dhigay ragga iyo dumarka labaduba inay wax bartaan isla markaana raadsadaan aqoonta.

Dhinaca maaliyadda, Islaamku wuxuu buriyay fikrado badan oo ay qabeen dadkii waagaa noolaa, iyadoo gabadha loo diidanaa inay xoolo yeelato, iyo inay cid dhaxasho labadaba. Islaamku wuxuu u ogolaaday gabadha inay xoolo yeelan karto, isla markaana leedahay xaqa dardaaranka iyo dhaxalka. Gabadhu Islaamka dhexdiisa waxay heshay xaq ay wax ku iibin karto, iibsan karto, kirayn karto, hibayn karto,ergisan karto, ergisi karto, sadaqad la bixi karto iyo xaqa ay maalkeeda ku deeqi karto. Sidoo kale ayaa gabadhu u heshay xaq ay ku difaacdo maalkeeda sida ay u difaacayso nafteeda.
Sinnaanta guud kasokow, Islaamku ragga iyo dumarka wuu u kala gaar yeelay mid walba shaqadiisa, masuuliyadda saran iyo doorka uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, dumarku waa warshada soo saarta jiilal tayo leh oo la higsado, sidaa daraadeed, ayaa ragga loo dul-saaray ilaalinta, dhaqaalaynta iyo nafaqaynta xaaskiisa, ubadkiisa, gabdhaha ay walaalaha yihiin iyo waalidkiiba, iyadoo aanay dumarka intaa midna la wadaagin marka laga tago duruufo gaar ah oo aalaaba ay yar tahay intay dhacdaa, sida haddii la waayo ninka oo kale.


Xikmada ka danbasa kala saarida ragga iyo dumarka xukunada qaarkood:
Su’aasha in badan la is- weydiiyo ayaa ah hadii uu Islaamku qiray inay gabadhu la siman tahay ninka, maxaa keenay in la doorbido ragga marar gooni ah iyo xaalado gaar ah. Sida markhaatiga, dhaxalka, magta, hawsha aqalka iyo maamulida dawladda?
Sida dhabta ah kala saarida labka iyo dhedigga ee xukunadani maaha in jinsiga raggu ka maamuus badan yahay-Ilaahay agtiisa- ka dumarka, waayo waxa Ilaahay loogu kala dhow yahay sida loo kala cibaado badan yahay, lab iyo dhedigba. Kala soocidan waxa sal u ah shaqada ay u kala gaar yihiin iyadoo la tix-raacayo sifada ay u abuuran yihiin.

  • Markhaatiga ninka iyo markhaatiga gabadha
    Sida ku cad aayadaha u danbeeya Suuratul Baqara- Aayadda is-daymaynta- marka la kala qoranayo daynta arkaanta loo baahan yahay ee xusan waa, daymeeye, daymaysne, qo u kala qora (nootaayo), iyo laba markhaati oo caadiliin ah ragna ah.hadii la waayo rag, markhaatiga ninku wuxuu u dhigmayaa laba dumar ah markhaatiyadood si hadii a midkood ilowdo ay ta kale u xusuusiso. Tan macneheedu maaha daciifnimo dumar, iyo liidasho ay ka hooseeyaan qofnimadedu ka ragga, lakin waa iyadoo loo eegayo abuurkeeda iyo takhasuskeedashaqo. Sida aynu ogsoonahay, qof kastaa wuxuu awood weyn oo xusuuseed ku leeyahay goobaha iyo arrimaha uu inta badan ku dhex sugan yahay, waxaanu xasuustiisu ku yar tahay waxyaalaha aanu inta badan faraha kula jirin. Nidaamka ganacsiga iyo xidhiidhka maaliyadeed ee dadka ka dhexeeya maaha mid u dabacsan abuurka dumarka, dhex-galka hawshanina maaha mid inta badan loogu tala-galay dumarka, marka laga reebo marar yar oo ay duruufi sabab u tahay. Sida daraadeed, inta badan dumarku way kaga xusuus yar yihiin ragga waxyaabaha aanay inta badan la wadaagin ragga, sida ragguba ay uga xasuus yar yihiin dumarka dhinaca hawlaha guud ee guriga. Markaa waxa cad in xusuusta (memory) dumarku ay ka hoosayso ta ragga dhinaca ganacsiga iyo xidhiidhka maaliyadeed ee u dhexeeya bulshada, sida ay xusayso Aayadaasi iyadoo laga cabsi qabo inay illowdo waayo hawleheeda ayaa ka badan isla markaana aan wax xidhiidh ah la lahayn hawlahaa ganacsiga iyo is-daymaynta. Sida ay qabaan culimada qaarkood haddii arrinta dayntu uu dhex-marayo haween soo galay ganacsigan isla markaana in badan ku dhex-jira, waxa dhici karta in ay iyaga dhexdoodu markhaati isku noqdaan, laakiin taasina waa naadir iyo fara-ku-tiris.
    Culimadu waxay isku raaceeen, in dumarka aan markhaati laga dhigan karin qisaasta iyo xuduudaha marka la fulinayo, iyadoo laga durkinayo gabadha inay dhex-gasho meelo xad-gudub, iyo fagaareyaal lagu galay dhagar iyo cadowtooyo. Tani waxa u sabab ah iyadoo aanay gabadha dabaeecadeedu marna u saamaxayn, waa marka hore e inay aragto intii loo baahnaa xad-gudubka dhacay, iyo ta labaad oo ah in xataa hadii ay dhacdo inay aragto aanay xaakinka ama qaadiga iyo umadda horteeda ka sheegi karayn wixii ay aragtay iyo sidii ay wax u dhacayeen. Tusaale ahaan, fulinta xadka sinada, way adag tahay in xataa ragga arkay laba ruux oo falkii samaynayaa ay buuxiyaan heerka looga baahan yahay inay markhaati ka noqdaan xadgudubkaa. Gabadhana inta badan marka ay la kulanto falalka foosha xun, waxa lagu yaqaan in ay indhaha qabsato oo qaylido iskagana cararto goobtaa ay wax ka dhaceen. Hadiiba ay dhacdo in ay si kadis ah ula kulanto falkana waxa ku adag cadayntiisa iyo sharaxiisa.
    Waxa jira meelo u gaar ah dumarka sida dugsiyo, xarumo caafimaad, iyo gobo kaleba, kuwaasi oo ah meelo ka caaggan ragga. Hadii ay dhacdo in meelahaa u gaarka ah ay ka dhacdo danbi iyo xad-gudub, waxa xoogga la saarayaa markhaatigooda, maadaama aanay caqli-gal ahayn in markhaati rag shardi lagaga dhigo meel aan ragga waxba ka ogayn.

Sunday, November 1, 2009

Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda.qaybtii 1aad.

XUQUUQDA HAWEENKA IYO DOORKOODA.
Hordhac
.

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh
Hadraawi


Waxa aan muran ku jirin in haweenku yihiin laf-dhabarta iyo udub-dhexaadka bulsho kasta, ha noqoto buslhadaasi mid garawsata xaqiiqadaa ama mid aan fahmin e, bulshana waxa ay ka hormartaa kuwa kale ee la faca ah kolba sida ay u qadariso una dhamaystirto dhamaan xuquuqda xubin kasta oo ka mid ah. Haweenku waa bulshada badhkeed (nuskeed), mana aha bulsho inay fudaydsato badhkeed, ama dhalliisho, ama dulmido, ama buriso xuquuqda ay mudan yihiin. Iyadoo ay aqoonyahanada islaamka qaar ku macneeyeen inay haweenku yihiin bulshada badhkeed, tiro ahaan lakiin saamayntoodu ay ka balaadhan tahay ta ragga ama bulshada inteeda kale.
Haweenku waa dugsi (school), haddii si fiican loo dhiso dugsigaasina waxa uu soo saarayaa jiil waxtar leh, oo anfacaya dhamaan qayabaha kala duwan ee bulshadaasi, isla markaasina ka taga raadad dhaxal-gal ah oo ay hiigsadaan jiilalka ka danbeeya. Sidaa darteed ayaa hogaamiyayaasha, culimada diinta iyo aqoonyahanaduba ay mudnaan badan u siiyaan barbaarinta gabdhaha, iyo arrimaha haweenka, ilaa inta ay, noqonayso xubinta mudan in la karaameeyo oo la maamuuso, laga ilaalinayo xad-gudubyada iyo dulmiga, loona hirgalianyo heitaanaka xaqa waxbarasho, shaqo iyo guur ee ay ku leedahay bulshada dhexdeeda.
Diinteena Islaamka waxay ka badbaadisay dumarka dulmigii iyo xadgudubyadii lagula kici jiray iyo sidoo kale fikradihii laga aaminsanaa haweenka. Islaamka ka hor, dhaqanadii carbeed iyo kuwii kale ee waayadaa jirayba waxay ahaayeen kuwa dumarka aad u duudsiyay xuquuqdii ay lahaayeen, xataa xaqa ay u leedahay inay noolaato, iyadoo aad loo sharaysan jiray dhalashada inanta, waxaana ay aasi jireen iyadoo nool. Waxa mararka qaar loo kala iibsan jiray sida badeecadaha iyadoo la dafirsan yahay xataa qofnimadeeda iyo shaqsiyadeeda. Mid ka mid ah aabayaashii carbeed ee noolaa wakhtigaasi jahligu baahsanaa ayaa sida taariikhdu dhigayso loo sheegay in xaaskiisii umushay gabadh, waxa uu ku calaacalay isagoo murugaysan in aanay wax faa’iido ah lahayn, waxa kaliya ee ay kartaana tahay qaylada iyo oohinta xilliyada loo baahan yahay in seefta la qaato, sama-falkeeduna yahay tuugo ay xoolaha aabeheed iyo ka saygeedaba xaddo.
Islaamku wuxuu hor istaagay dhamaan dahaqanadii lidiga ku ahaa dumarka, wuxuu qiray qofnimadooda, wuxuu siiyay xuquuq la mid ah ta uu ninku leeyahay, wuxuu ka dhigay qof karaamaysan, wuxuu ragga iyo dumarka mid walba saaray mas’uuliyad guud iyo mid gaar ah, oo lagula xisaabtami doono mid waliba fulinta waajibkiisa, waxaana gabadha loo aqoonsaday inay tahay laf-dhabrta bulshada. Fulinta iyo dhaqan-gelinta arrintanina waxay sababtay horumarkii laxaadka lahaa ee ay ku talaabsatay dunida muslimku.

Ku dayashadi indhaha la’ayd ee reer galbeedka..
Aqoonayhanadii reer Galbeedku waxay u kuur-galeen nidaamkii iyo siyaasadii guud ee ay dadyowga Islaamku ku horumareen casriyadii ugu horaysay, dhinacyada cilmiga, nidaamka, siyaasada, falsafada iyo hab-dhaqankii guud ee dhexdooda iyo sida loo maareeyay xidhiidhka ay la lahaayeen dadyowga kale ee aan haysan diinta Islaamka. Diinta Islaamku waa diin ku sifowday dhamaystirni, cadaalad iyo la jaan-qaadka wakhti kasta iyo meel kasta, maadaama ay tahay diin Waxyi ku soo degtay, tahayna xeerarka iyo xukumada Ilaahay (swt) u dajiyay adoomihiisa, farayna inay u fuliyaan sida ay u dhigan tahay. Aqoonyahanada reer Galbeedku waxay go’aansadeen inay Islaamka kaga daydaan isla markaana kula tartamaan waxyaabo badan sida cadaaladda, sinaanta, arrimaha xuquuqda haweenka iyo habka guud ee maamulka. Tartankani wuxuu dhaliyay in ay la yimaadaan waxyaabo kale oo dheeraad ah iyagoo u haysta in korodhka iyo qodobada dheeraadka ah ee ay keenaan u horseedi karo libin ay ka soo hooyaan tartankan. Xurmaynta haweenka iyo soo bandhigida xuquuqdoodu waxay ka mid ahayd waxyaabihii laga xigtay dadyowga Islaamaka ah, ka badbadinta xuquuqdanina waxay sababtay dhibaatooyin hor leh. Sannadku markuu ahaa 1995 ayaa shirweyne -Beijing Conference-lagu qabtay magaalada Beijing ee caasimada wadanka Shiinaha, waxa lagaga hadlay haweenka iyo xuquuqdooda. Nasiib darro, qodobadadii la go’aamiyay waxay noqdeen kuwa dhabar-jab ku ah doorka haweenka, isla markaana liddi ku ah abuurkooda. Qodabadii lagu go’aamiyay shirweynahaa waxa ka mid ahaa:
- in haweenku ay helaan xirriyad buuxda, isla markaana dhinac walba kala siman yihiin ragga, xataa dhinaca soo xeraynta maaliyada qoyska.
- In ay u banaan tahay haweenka inay iyaga dhexdoodau is- guursan karaan.

Shir-weynahani wuxuu noqday mid aad looga hadlay isla markaana ka cadhaysiiyay dunida Muslimka iyo in badan oo ka mid ah aqoonyahanadii reer galbeed ee aan Islaamka ahayn. Waxaana laga dayriyay inuu yahay halaagid iyo baabi’in bulsheed.